Trump oo si caro leh ugu jawaabay xisbiga Dimuqraadiga

416

Madaxweyne Trump ayaa si caro leh ugu jawaabay xisbiga Dimuqraadiga kaddib markii ay wacad ku mareen in toddobaadkaan ay aqalka Cad ku riixayaan in ay keenaan dukumiintiyada qoraalka Madaxweynaha ee wicitaanka Madaxweynaha Ukraine.

Guddiga xisbiga Dimuqraadiga ah ee baaritaanka ku haya wadahadalkii dhanka taleefoonka ee Madaxweyne Trump iyo Madaxweynaha Ukraine ayaa dalbaday nuqulada qoraalka ah ee wicitaankaas oo muhiim u ah baaritaanka horseedi kara xil ka xayuubinta ka dhanka ah Madaxweyne Trump.

Madaxweyne Trump ayaa guddiga Dimuqraadiga ah ee baaraya wicitaanka Madaxweynaha ku tilmaamay kuwa aan daacad ahayn oo ku kacaya khiyaano qaran. Dhanka kale xisbiga Dimuqraadiga ah ayaa difaacay baaritaanka ka dhanka ah Madaxweyne Trump.

Madaxweyne Trump oo shir jaraa’id si wadajir ah ula qabanayay Madaxweynaha dalka Finland Sauli Niiniisto ayaa Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden iyo wiilkiisa ku tilmaamay kuwa aad u musuq badan.

Carada Madaxweyne Trump ayaa inta badan ku wajahneyd guddoomiyaha guddiga arrimaha sirdoonka Aqalka Congresska ee baaraya Madaxweynaha Adam Schiff.

Madaxweynaha ayaa Adam Schiff ku tilmaamay mid nolosha ka dhacay oo ay tahay in uu si sharaf dhac ah xilka uga dego.

Trump ayaa intaas ku daray in Adam Schiff lagu sameeyo baaritaan la xiriira in uu galay khiyaano qaran.

Waxa kale oo ku eedeeyay Adam Schiff guddoomiyaha guddiga arrimaha sirdoonka ee Congress-ka ku eedeeyay uu wax ka qoray warbixinta uu dusiyay qof isqariyay ee muujineysa Trump oo Madaxweyne dal kale ku cadaadinaya in uu baaro muwaadin Mareykan ah oo ay siyaasadda aabihii isku hayaan.

Madaxweyne Trump ayaa isaga oo xanaaqsan waxa uu yiri “waa in la helaa qofka wax dusiyay maadaama uu yahay basaas sida uu isagu u arko”. Dadka sida sharciga wax u dusiyaa ama faafiyaa waa in la ilaaliyaa, laakiin kuwa kale waa in la ogaadaa maadaama ay khiyaano galeen.

Madaxweyne Trump oo caro faro badan ka muuqato ayaa wariye ku celceliyay su’aasha waxa uu si xanaaq leh u yiri “Edebdarrada dhaaf”.

Xisbiga Dimuqraadiga iyo Madaxweyne Trump ayaa dhawaanahaan waxaa u dhaxeeyay dagaal ka dhashay baaritaan ay bilaabeen Congress-ka oo la xiriira wicitaankiisa Madaxweynaha Ukraine oo uu ku cadaadiyay in uu baaro wiilka Madaxweyne ku xigeenkii hore Hunter Biden oo ka mid maamulka sarsare ee shirkadda gaaska Ukraine.

Trump ayaa ku tilmaamay baaritaan mid been ah oo ay gadaal ka riixayaan xisbiga Dimuqraadiga oo uu sheegay in ay waayeen waxay qabtaan.

SHARE