Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ku dhawaad toddobaad qaadanayay daawada Malaariyada loo isticmaalo ee Hydroxychloroquine si uu uga hortago caabuqa Corona. Dawadaan ayaan wali la caddeyn in ay tahay tan saxda ah ee loo isticmaali karo ka hortagga cudurka Corona.
“Waan qaadanayay daawadaan” Trump ayaa hadalkaan ka jeediyay kulan ka dhacay Aqalka Cad. Trump ayaa intaas ku daray in waxyaabo badan oo fiican ay ka soo baxeen oo hadda ay qaadanayaan shaqaalaha jiidda hore ugu jirina la dagaalanka cudurka Corona iyo dadweyne kale oo badan natiijo fiicanna laga sheegay ilaw iyo hadda.
Madaxweyne Trump ayaa marar badan soo jeediyay in daawadaan ay wax ka qaban karto cudurka Corona, hayeeshee Hey’adda la socodka daawada iyo cunada Mareykanka ayaa dadka uga digtay daawaad malaariyada ama duumada oo ay ku sheegeen in lagu arkay dadka qaata koror xawaaraha garaacaha wadnaha.
Trump ayaa sheegay in dawadaan oo la isticmilaayay muddo ku dhow 40 sano aysan wax dhib lahayn sida uu u sheegay dhaqtarka Aqalka Cad.
Madaxweyne Trump ayaa ilaa iyo hadda ka dhego adeegaya in uu xirto maasgaro(Waji xir) si uu iskaga ilaaliyo in cudurku u gudbo.