Trump oo sheegay in laga yaabo inuu baajiyo kulanka madaxweyne Putin

668
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in laga yaabo inuu baajiyo kulan dhex mari doono isaga iyo Madaxweyne Putin ka Ruushka. Sawirka: Google

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in laga yaabo in uu baajiyo kulan uu la yeesho madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin kadib markii uu isku dhac ku dhex maray maraakiibta Ruushka iyo Ukraine xudduuda badda ee ay waddaagaan.

Madaxweyne Trump ayaa u sheegay wargeyska Washington Post in uu sugayo “warbixin buuxda” kadib markii maraakiibta Ruushka ay rasaas ku fureen oo ay qabteen saddex doomood oo Ukrain Leedahay Axaddii.

Ukraine ayaa ku tilmaamtay “ficil gardaro ah” balse Ruushku wuxuu sheegay in maraakiibtu ay si sharci darro ah u galeen biyaheeda.

Xaalad degdeg ayaa lagu soo rogay qaybo ka mid ah dalka Ukraine, iyada oo aan dhaqdhaqaaq aan horay loo arag.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa ku booriyay dalalka Yurub in ay wax badan qabtaan si ay u taageeraan Ukraine.

Afhayeen u hadlashay wasaarada arrimaha dibedda ee Mareykanka Heather Nauert ayaa sheegtay in Washington ay dooneysay in ay aragto adkeyntii cunaqabataynta Ruushka.

Mr Trump iyo Mr Putin ayaa la filayaa in ay ku kulmi doona shirka G20 ee ka dhacaya magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina toddobaadka dambe.

Si kastaba ha ahaatee, Mr Trump ayaa u sheegay Wargeyska Washington in warbixinta ka soo baxda kooxdiisii ​​amniga qaranka ay noqon doonto “mid go’aan adag ah”.

Madaxweyne Trump iyo madaxweyne Putin ayaa qorsheynaya in ay ka wadahadlaan arrimaha amniga, xakamaynta hubka, arrimaha Ukraine iyo Bariga Dhexe markii shirku uu qabsoomo Jimcaha iyo sabtida, sida uu wariyeyaasha u sheegay lataliyaha amniga qaranka Trump John Bolton.