Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaqada ka eryay xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mareykanka Jeff Sessions.
“Waxaan uga mahadcelinayaa xeer ilaaliyaha guud Jeff Sessions shaqadii uu qaranka u qabtay, waxaan u rajaynaa wanaag!” Ayuu MadaxweyneTrump bartiisa Twitter-ka ku soo qoray.
Madaxweyne Trump aya si joogto ah u dhaleceeyay xeer ilaaliyaha Guud kaddib markii uu isku dayay inuu baaritaan ku sameeyo baaritaanka Ruushka ee faragelinta Aqalka Cad.
Garsoore Jeff Sessions ayaa muddo dheer lagu eedeeyay inuu ka soo horjeeday baaritaanka ku saabsan faragelinta Ruushka ee ololiha doorashadii madaxweyne Trump.
Mr Trump ayaa sheegay in Mr Sessions uu si ku meel gaar ah u beddeli doono agaasimihiisa madax shaqaalaha, Matthew Whitaker, kaasi oo horrey u dhaleceeyay baaritaanka faragelinta Ruushka lagu hayo.
Warqadiisa is casilaada, ayuu Mr Sessions- oo horrey u soo noqday barasaabka gobolka Alabama, horreyna ugu dhawaa Madaxweyne Trump ku sheegay in go’aanka uu isku casilay uusan isaga ka imaan.
Jeff Sessions ayaa horrey u diiday inuu ka soo horjeesto baaritaanka Madaxweyne Trump waaxda caddaalada Mareykanka ay ku hayso faragelinta Ruushka ee ololaha doorashadiisii 2016-ka.
Madaxweyne Trump ayaa doorashadii xiliga dhexe ee Mareykanka ka dhacday shalay ku lumiyay aqlibayada Aqalka Hoose ee Congress-ka iyadoo xisbiga dimoquraadka ay kaga guulaysteen.