Trump oo Shaqada ka eryay Rex Tillerson

801

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa xilka ka qaaday xoghayahiisii arrimaha dibadda Rex Tillerson, sida madaxwaynuhu uu arrintan Ku xaqiijiyay bartiisa Twitter-ka.

Donald Trump, madaxwaynaha dalka Maraykanka ayaa xil ka qaadista Rex Tillerson u aaneeyay in isaga iyo Xoghayahiisii ay ka dhex jirtay kala duwanaanta dhanka afkaarta ah.

Waxaa uu xilka xoghayaha arrimaha dibadda uu u magacaabay agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Dibadda Maraykanka u qaabilsan ee la yirahdo Central Intelligence Agency (CIA), kaasi oo lagu magacaabo Mike Pompeo.

Waxaa uu sidoo kale madaxwayne Trump xilka agaasimaha CIA-da uu u magacaabay Haweenayda lagu magacaabo Gina Haspel, taasi oo noqonaysa haweenaydii ugu horaysay oo loo magacaabo xilka Agaasimaha Hay’adda CIA.

“Mike Pompeo, ayaa noqonaya Xoghayaha cusub ee arrimaha dibadda. Waxaa uu qaban doonaa shaqo wanaagsan! Wuu Ku mahadsan yahay shaqada uu qabtay Rex Tillerson! Gina Haspel waxaa ay noqon doontaa Agaasimaha cusub ee CIA. Waxaa ay noqonaysaa haweenaydii ugu horaysay oo xilkaa loo doorto. Hambyo dhammaateen” sidaasi waxaa Trump uu Ku sheegay war kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Wargayska Washington Post, ayaa Ku waramay in Rex Tillerson Jimcihii aan soo dhaafnay la waydiistay inuu xafiiska baneeyo, isagoo socdaalkiisa Qaaradda Afrika soo gaabiyay kuna laabtay magaalada Washington.

Xil ka qaadista Rex Tillerson, ayaa waxaa ay noqaysaa tii ugu horaysay oo lagu sameeyo xubnaha Golaha Wasiirada Madaxwayne Trump tan iyo intuu qabtay xilka madaxwaynanimo ee dalka Maraykanka.

Yaa xilka laga qaaday yaase  iska casilay xilalkooda tan iyo intuu Trump, madaxwaynaha dalkaasi Maraykanka noqday dhammaadkii sanadkii 2016-kii:-

1- Rex Tillerson,  Xoghayaha Arrimaha dibadda, waa la eryay
2- Gary Cohn,  Agaasimaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka, wuu iscasilay
3- Rob Porter, Xoghayaha Shaqaalaha Aqalka Cad, wuu iscasilay
4- Brenda Fitzgerald,  Agaasimaha Xarunta Kontoroolka Cudurada, wuu iscasilay
5- Andrew McCabe, Ku Xigeenka Agaasimaha FBI-da, wuu iscasilay
6- Omarosa Manigault,  Agaasimaha Warbaahinta Xafiiska Dadwaynaha, wuu iscasilay
7- Tom Prince, Xoghayaha Caafimaadka, wuu iscasilay
8- Sebastian Gorka,  Ku xigeenka Caawiyaha Madaxwaynaha, wuu iscasilay
9- Steve Bannon, Madaxa Istaraatiijiyadda, wuu iscasilay
10- Anthony Scaramucci, Agaasimaha Warfaafinta, wuu iscasilay
11- Reince Priebus,  Agaasimaha Madaxtooyada ama Aqalka Cad, wuu iscasilay
12-Sean Spicer,  Xoghayaha Warfaafinta, wuu iscasilay
13- Michael Dubke, Agaasimaha Warfaafinta, wuu iscasilay
14- Walter Shaub, Agaasimaha Xafiiska Anshaxa Dowladda, wuu iscasilay
15- James Comey, Agaasimihii  FBI-da, Waa la eryay
16- Michael Flynn, La taliyaha ammaanka Qaranka, Wuu iscasilay
17- Sally Yates, Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud, waa la eryay
18- Preet Bharara, Xeer-ilaaliyaha dhanka bari ee magaalada New York, waa la eryay
19-Katie Walsh, ku xigeenkii Agaasimaha Aqalka Cad, waa ay iscasishay.
SHARE