Trump oo shaaciyay kulanka labaad ee uu la yeelan doono hoggaamiyaha K/Waqooyi

684
Trump oo shaaciyay kulanka labaad ee uu la yeelan doono hoggaamiyaha K/Waqooyi. Sawirka: AP

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday inta lagu guda jiray khudbadiisa sanadlaha ah ee qaranka in shirkiisa ​​labaad ee uu la yeelan doono hoggaamiyaya Kuuriyadda Waqooyi Kim Jong Un oo ka dhici doona dalka Vietnam 27-ka Febraayo iyo 28-keeda.

“Waxaan sii wadaynaa dadaalkeena taariikhiga ah ee nabadda ee gacanka Kuuriyada Koonfureed, la haystayaasheenii ayaa la soo daayay, tijaabada hubka Nuyukleerka ayaa istaagay, mana jirin tijaabo gantaal oo dhacday in ka badan 15 bilood.Haddii aanan la ii dooran lahayn madaxwaynaha Mareykanka, hadda, ra’yigayga, waxaan dagaalka weyn kula jiri lahayn Kuuriyada Waqooyi, “ayuu yiri Trump.

“Shaqo badan ayaa weli at tahay in la qabto, laakiin xiriirka aan la leeyahay Kim Jong Un waa mid wanaagsan.” Guddoomiye Kim iyo aniga waxaan ku kulmi doonaa Febraayo 27 iyo 28-keeda Vietnam, “ayuu raaciyay, madaxweyne Trump.

Ma cadda wali magaalada shirka uu ka dhacayo balse goobaha suurtagal ay tahay in lagu qabto, waxaa ka mid ah caasimadda Vietnam ee Hanoi iyo magaalada xeebta leh ee Danang.

Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Kuuriyada Waqooyi, Steve Biegun, ayaa u socdaalay Pyongyang Arbacadii si uu u xoojiyo faahfaahinta la xiriirta shirwaynaha, oo ay ku jirto halkaa lagu qaban doono. Wuxuu sidoo kale ku cadaadin doonaa dhiggiisa Kuuriyadda Waqooyi inuu ka qayb galo shirar heer sare ah oo loogu gogal xaarayo ka hor shirwaynaha u dhexmari doono madaxweyne Trump iyo Hoggaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi Kim Jong-un.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa bishii June ee sanadkii hore kula kulmay dalka Singapore hoggaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi Kim Jong-un, kulankaasi oo ahaa shirkii ugu horyeeyay taariikhada oo madaxweyne Mareykan ah la yeesho hoggaamiye Kuuriyadda Waqooyi ah.