Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu saxiixi doono amar fulineed oo lagu beegsanayo shirkadaha baraha bulshada.
Arrintaan ayaa imaaneysa kaddib markii uu dhawaan ku hanjabay in uu tallaabo ka qaadi doono barahaa bulshada oo ku eedeeyay caburinta muxaafidka taageersan.
Murankaan cusub ee u dhaxeeya Trump iyo baraha bulshada ayaa yimid markii barta Twitter-ka ay lifaaq saxitaan ama hubin ah soo raacisay qoraal uu Trump soo dhigay barta Twitterka.
Faahfaahin dheeri lagama hayo amarka uuTrump soo saarayo iyo tallaabooyinka lagu la soconaya baraha bulshada ee uu qaado doono Trump iyada oo aan sharci cusub aysan Aqalka congressku ansaxin.
Masuuliyiinta Aqalka Cad ayaa tafaasiil dheeri ah ka bixin amarka lagu wado in la saxixo khamiista.
Trump ayaa weerar adag ku qaaday baraha bulshada sida Facebook, Twitter, Google, isaga oo si gaar ah u beegsaday barta Twitter-ka oo uu aad u isticmaalo.