Trump oo saxiixay sharci taageeraya dibadbaxayaasha Hong Kong

66

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay Hindise sharciyeed taageeraya dadka mudaaharaadka dhigaya ee ka soo horjeeda Xukuumadda Gobolka Hong Kong ee dalka Shiinaha.

Sharciga Xuquuqda Aadanaha iyo Dimuqraadiyadda ayaa amrayaa dib u eegis sanadle ah, si loo hubiyo haddii Hong Kong ay leedahay madax-bannaani ku filan oo ay ku caddeyso maqaamkeeda gaarka ah ee kala dhexeeya Mareykanka.

Madaxweyne Trump wuxuu sheegay inuu saxeexay sharciga “iyada oo la xushmaynayo madaxweyne Xi [Jinping], Shiinaha, iyo dadka reer Hong Kong”.

Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegtay in ay qaadayso “tallaabooyin adag oo looga hortagayo arrintaan” – iyadoo ku eedeeysay Mareykanka ” ujeedooyin qaldan”.

Mr Trump ayaa hadda doonaya inuu heshiis la galo Shiinaha, si loo soo afjaro dagaal ganacsi oo u dhexeeya labada dal.

Xukuumadda Hong Kong ayaa sidoo kale ka jawaab celisay, iyadoo sheegtay in sharcigaan Mareykanka uu diri doono farriin qaldan oo aan ka caawin doonin inuu wax ka beddelo xaaladda.

Laakiin mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha u dhaqdhaqaaqa mudaaharaadka Dimuqraadiyadda ee Hong Kong, Joshua Wong, ayaa sheegay in sharciga Mareykanka uu “guul la taaban karo” u yahay “dhammaan dadka reer Hong kong”.

Magaalada Hong Kong ayaa waxaa bilihii igu dambeeyay ka taagan ismari waa u dhexeeya Booliiska iyo dibadbaxayaal ka soo horjeeda Xukuumadda Hong Kong oo ah Ismaamul hoosta dowladda Shiinaha.

SHARE