Trump oo saxiixay howlgalo laga fulinayo Soomaaliya

820
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Sawirka: Getty Images

Madaxwenaha dalka Mareynkanka Donal Trump ayaa saxiixay xaalad deg deg ah oo looga dan leeyahay in lagu kordhiyo weerarada dhanka cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kalena lagu ciribtiro kooxaha Burcad badeeda ee qatarta ku ah amniga marin biyoodka dalka.

Amarka xaaladda deg deg ah oo Mareynkanka Soomaaliya saaray sanadkii 2010-kii ayaa hadda waxay dhaceysaa bisha May ee soo socota, sida lagu sheegay war ka soo baxay Aqalka cad ee Mareynkanka.

Warka ka soo baxay Mareynkanka ayaa lagu sheegay in xaaladda deg deg ah ee ugu horeysay lagu dhawaaqay sanadkii 2010-kii, waxaana la kordhiyay dhawr jeer sababo la xiriira weerarada Burcad badeeda ka jira xeebaha Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo kordhay.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeedka shalay oo Arbaco ah ka soo baxay Aqalka cad, waxaa mudo Hal sano ah lagu kordhiyay xaaladda deg deg ah ee lagu doonayo in lagu ciribtiro Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Africa ee AMISOM ayaa dadaal ugu jira sidii dalka looga saari lagaa Al-shabaab, Mareykanka ayaana taageeraya ciidamadan.