Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo bandhigay qaabka ay Washington u la macaamili karto duulaanka Turkigu ku qaaday kooxda Kurdishka YPG ee ku sugan Waqooyiga dalka Suuriya.
Madaxwyene Trump ayaa xusay in Turkiga iyo Kurdishku ay dagaalamayeen muddo labo boqol oo sano ah waxaana saddexda waxyaabood oo uu soo bandhigay ka mid ah in Mareykanku dhexdhexaadiyo labada dhinac oo ay xal wada gaaraan.
Waxaa kale oo ka mid ah xalka Madaxweyne Trump in ciidan aad u farabadan loo diro oo milatari ah ahaan lagu kala baxo oo deegaankaas ay gabi ahaanba ciidamada Mareykanka la wareegaan.
Soo jeedinta saddexaad ee ah tan ugu adag ayaa ha in Turkiga la saaro cunaqabateyn dhaqaale iyo mid maaliyadeed taas oo Madaxweyne Trump uu ku tilmaamay si adag ugu dhufasho.
Mar la weydiiyay Madaxweyne Trump tan uu door bidayo ayuu sheegay in uu door bidayo in labada dhinac la dhexdhexaadiyo. Trump ayaa aqalka cad hortiisa wariyaasha ugu sheegay in Turkigu uu ogyahay mowqifka Mareykanka ee ku aaddan duulaanka Turkiga ee Waqooyiga Suuriya.
Qoraaladda Twitter-ka Madaxweyne Trump ayaa imaneysa kaddib dhaliil uga timid xubnaha xisbigiisa iyo tan Dimuqraadiga kuwaas oo si isku mid ah uga horyimid waxa ay ku tilmaameen khiyaanada Mareykanku khiyaanay Kurdiyiinta oo inbadan ka barbar dagaalamayay Maraykanka markii ay ku jireen dagaalka kooxda Daacish.
Turkiga ayaa doonaya in gudaha Suuriya ay ka sameeyaan aag ammaan ah kaas oo loogu talogalay sida ay sheegtay dowladda Turkiga in lagu soo celiyo qaxootiga Suuriyaanka ee gaaraya 3.6 Milyan oo ku sugan dalka Turkiga.