
Ra’iisul wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi ayaa aqbalay casuumaad uga timid Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku aaddan in uu ka qaybgalo shirka dalalka G7 ee lagu qabanayo Mareykanka.
Wadahadal uu Trump khadka taleefoonka kula yeeshay Raiisul wasaaraha Hindiya fiidnimadii talaadada ayuu ku muujiyay sida uu u daneynayo in uu ballaariyo kasoo qaybgalyaasha shirka G7 oo dalal aan ku jirin oo muhiim ah lagu soo daro shirka.
Saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya ayaa xaqiijiyay in Raiisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi uu shirka ka qaybgalayo sida ay horay uga wadahadleen Trump.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Raiisul wasaaraha Hindiya ayaa lagu sheegay in Narendra Modi uu Trump ku bogaadiyay fogaan araggiisa iyo curintiisa oo horseedaya in golaha la ballaariyo taas oo ka tarjumeysa xaqiiqada dunida ka soo baxeysa cudurka Covid-19 oo dunida oo dhan saameyntiisa laga dareemay.
Madaxweyne Trump ayaa shirka lagu waday in uu ka dhaco goobta Madaxweynayaasha Mareykanku banbaxaan ama nasashada u aaddo ee Camp David dabayaaqadda bisha June, ayaa dib ugu dhigay bisha September ee sannadkaan.
Dhinaca kale Madaxweyne Trump ayaa sheegay in ururka G7 uu yahay mid dugoobay oo aan si fiican dalalka u wada matali karin, iyada oo uu soo jeediyay in la ballaariyo. Trump ayaa casuumay dalal ay ka mid yihiin Ruushka,Kuuriyada Koonfureed, Australia iyo Hindiya.
Ururka G7 oo ah isbaheysi dhaqaale oo ay ku mideysanyihiin toddobo dal ayaa la asaasay sannadkii 1975. Dalalka ku jira waxaa ka mid ah Mareykanka, Faransiiska, Britain, Talyaaniga, Japan,Jarmalka iyo Canada.