Trump oo qorsheynaya inuu booqdo magaaladii lagu toogtay Jacob Blake

568
Trump oo qorsheynaya inuu booqdo magaaladii lagu toogtay Jacob Blake oo ahaa nin madow ah.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqanaya magaalada Wisconsin oo ay ka jirtay qalalaase baahsan tan iyo markii nin madow laga toogtay dhabarka oo uu dhaawac culus u geystay nin booliis ah.

Mr Trump wuxuu u safri doonaa Kenosha maalinta Talaadada, Aqalka Cad ayaa sidaas sheegay.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doona saraakiisha booliiska iyo Amniga isla markaana qiimeyn ku sameyn doona qasaaraha ka dhashay banaanbaxyadii ugu dambeeyay.

Jacob Blake ayaa dhawaac aad u culus ka soo gaaray dhabarka ka dib markii uu sarkaal toddobo jeer uu toogtay mana cada inuu mar kale socon doono.

Toogashada ayaa mararka qaar dhalisay banaanbaxyo rabshado wata oo kadhacay Kenosha iyo magaalooyin kale oo ku yaala Mareykanka.

Sannadkaan ayaa waxaa sidoo kale mudaaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeedo cunsuriyadda iyo naxariis darada booliiska hareeyeen Mareykanka taasi oo looga soo horjeedo dilkii booliisku ay u geysteen nin kale oo madow ah, George Floyd.