Trump oo magacaabay la taliyaha cusub ee amniga qaranka Mareykanka

593
Trump oo Robert O'Brien u magacaabay la taliyaha cusub ee amniga qaranka Mareykanka. Sawirka/Reuters

Madaxweyne Donald Trump ayaa  Robert O’Brien u magacaabay la taliyaha cusub ee amniga qaranka Maraykanka. O’Brien ayaa badalaya John Bolton oo shaqda uu ka eryay Madaxeyne Trump.

O’Brien oo ah qareen horay u la soo shaqeeyay maamuladii Bush iyo Obama ayaa noqonaya la taliyihii afaraad ee qabta jagada la taliyaha amniga Maraykanka.

La taliyaha cusub ee Madaxeyne Trump uu magacaabay ayaa shaqooyinka sugayo in uu wax ka qabto waxaa ka  mid arrinta Iiraan oo meel xasaasi ah marayesa iyo waliba sameynta siyaasad la xiriirta socdaalka.

Madaxwyne Trump iyo Robert  O’Brien ayaa shir ku wada qabtay magaalada Los Angles  ee gobolka California. Madaxweyne Trump ayaa ku tilmaamay O’Brien nin wanaagsan, waxa uu ammaan u jeediyay shaqadii hore  ee u qaybsanaha la heystayaasha dibadda lagu afduubo ama sida kale ugu xayirma.

O’Brien  ayaa sannadkii 2005 waxa uu Madaxeyne Bush u magacaabay  ergayga Maraykanka ee golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay. Intii uu joogay Qaramada Midoobay waxa uu la shaqeeyay la taliyihii hore aa amniga qaranka John Bolton oo markaa ahaa safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay. Waxa kale oo uu la shaqeeyay Condleza Rice iyo Hillary Clinton oo  noqday Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka.

La taliyaha cusub ayaa wax badan uga eg la taliyihii ka horreeyay dhanka siyaasadda. O’Brien ayaa si weyn u dhaliilsanaa Qaramada Midoobay oo u ku tilmaamay meel ay iskugu yimaadaan kaligii taliyaal  si ay uga jeediyaan khudbad ay ku durayaan Maraykanka. O’Brien ayaa sidoo kale si weyn u diidanaa heshiiskii Nukliyeerka Iiraan, waxa uuna Iiraan ku tilmaamay maalgaliyaha ugu weyn ee argagixisada adduunka.

Intii uu ahaa u qaybsana dhanka la heystayaasha Maraykanka waxaa uu qoysas badan kala taliyay sidii loo soo badbaadin lahaa dadkooda, sidoo kale waxa uu ku guuleystay in uu Sweden ka soo daayo heesaaga Maraykanka ee Asap Rocky.

Robert O’Brien la taliyaha cusub ee amniga qaranka ayaa  noqonaya midkii afaraad waxana ka horreeyay Micheal Flyn, HR MaCMaster iyo John Bolton.