Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay in Magaalada London ee Caasimadda Ingariiska in ay tahay furin dagaal.
Hadalka Madaxweynaha ayaa waxaa uu ka carreysiiyay kumanaan ka mid ah dadka Shacabka ah ee London kunool iyo sidoo kale Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda UK.
Trump ayaa dambiyada toorida lagu geysto ee London ku tilmaamay in isbitaal magaaladaas ku yaala ay ka dhigtay sidii furin dagaal oo kale.
“Mar dhow waxaan akhriyay sheego ku saabsan in London ay leedahay sharci adag oo an la rumeysan karin oo ku saabsan hubka, kadiba waxaa dhacday in isbitaal ahaan jiray kan ugu wanaagsan oo bartamaha ku yaala uu isu badalay sidii furin dagaal oo kale dhaawacyada la keenayo ee mindida” ayuu yiri Trump.
“Qoryo ma heystaan, balse waxa ay helayaan mindiyo, dhiig ayaana qubanaya isbitaalka gudihiisa, waxaa la sheegay in uu u egtahay isbitaal ciidan dagaal ku jira oo kale, toori, toori, toori” ayuu yiri isaga oo gacanta ku tilmaamaya ficilka toori galinta qof.
Waxaa uu hadalkaan ka jeediyay ka dib markii uu kulan la qaatay Maanta ururka qaran ee Maraykanka ee u ololeeya dadka hubka heysta.