Trump oo lagula taliyay inuu aqbalo natiijada Doorashada Mareykanka

604

Mid kamid ah dadka aadka ugu dhaw Madaxweyne Donald Trump ayaa ku booriyay inuu ka laabto dadaalka uu ugu jiro sidii uu uga laaban lahaa guuldaradii ka soo gaartay Joe Biden doorashadii madaxtinimada Mareykanka.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka New Jersey Chris Christie ayaa kooxda sharciga ee madaxweynaha ku tilmaamay “ceeb qaran”.

Madaxweyne Trump ayaa diiday inuu aqbalo tajiida doorashada iyo in looga adkaaday, isagoo samaynaya sheegashooyin aan daliil loo hayn oo sheegaya in musuqmaasuq baahsan uu jiro.

Jamhuuriyiin badan ayaa taageeray dadaalkiisa sharci laakiin tiro yar laakiin sii kordheysa ayaa ka soo horjeestay.

Sabtidii Mr Trump waxaa ku dhacay dharbaaxo weyn Gobolka Pennsylvania, ka dib markii garsooraha uu diidey dacwad ka timid ololaha Trump oo lagu doonayey in lagu baabi’iyo malaayiin cod ah oo boostada lagu soo diro gobolka lagu dagaalamayo.

Garsoore Matthew Brann ayaa sheegay in maxkamadiisa la horkeenay “doodaha sharciga oo adag iyadoo aan loo qalmin iyo eedeyn mala awaal ah”.

Trump ma burin karaa natiijada doorashada?

Tallaabadan ayaa waddada u xaaraysa in Gobolka Pennsylvania ay caddeyso gelinka dambe Isniinta Mr Biden – madaxweynaha la doortay ee Dimuqraadiga uu ku hoggaaminayo halkaas in ka badan 80,000 cod.

Si kastaba ha noqotee, ololaha Trump ayaa racfaan ka qaadanaya xukunka.

Mr Biden ayaa la saadaalinayaa inuu kaga guuleysan doono madaxweyne Trump 306 ilaa 232 codadka ergooyinka doorashada Mareykanka, taas oo go’aamisa qofka noqonaya madaxweynaha – oo aad uga sareysa 270 uu u baahan yahay inuu ku guuleysto.