Aqalka Congress-ka ayaa ku casuumay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu ka soo qeybgalo dhageysiga ugu horreyay ee ku saabsan baaritaanka xil ka qaadistiisa 4da bisha December.
Jerrold Nadler, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka ee Dimuqraadiga, ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu ka qeybgalo dhageysiga ama ” joojiyo cabashada uu ka qabo hannaanka baaritaanka”.
Haddii uu ka qeybgalo, Madaxweynuhu waxa uu awoodi doonaa inuu su’aallo weydiiyo markhaatiyaasha.
Waxa ay astaan u noqonaysaa wajiga xiga ee baaritaanka xil ka qaadista, kaasi oo xudun u ah wadahadal khadka telefanka ku dhexmaray bishii July Mr Trump iyo Madaxweynaha dalka Ukrainian Volodymyr Zelensky.
Wicitaankaas, Madaxweyne Trump wuxuu ka codsaday Madaxweyne Zelensky inuu baaro Joe Biden, oo hadda u tartamaya inuu noqdo murashaxa xisbiga dimoqraadiga ee doorashada madaxtinimada ee sannadka soo socda, iyo wiilkiisa Hunter Biden, oo horey uga soo shaqeeyey shirkadda tamarta dalka Ukrain ee Burisma.
Baaritaanka ayaa lagu eegayaa in Mr Trump uu u adeegsaday dano siyaasadeed kaalmada milatari ee Mareykanku si uu ugu cadaadiyo Ukraine in ay baarto Biden iyo wiilkiisa. Trump ayaa beeniyay inuu wax qalad ah sameeyay.