Trump oo laga mamnuucay inuu Boloog saaro dadka Twitter-ka ku dhaleeceeya

223

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa laga mamnuucay inuu Boloog-gareeyo dadka siyaasaddiisa Ku mucaarada barta bulshada ee Twitter-ka.

Naomi Reice Buchwald, oo ah xaakim ka tirsan garsoorayaasha heer Federaal ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in madaxwaynaha uusan awood u lahayn inuu iska xiro dadka Twitter-ka isticmaala ee dhaleeceeya hadalada Trump uu Ku soo qoro bartiisa Twitter-ka.

“Dastuurka Maraykanka waxaa uu qeexayaa in dadka ay xur u yihiin inay ka hadlaan fikradahooda, marka madaxwaynaha ama cid kale oo dowladda ka tirsan oo ka wayn sharciga” ayaa lagu sheegay warka kasoo baxay xaakimka heer Federaal ee Naomi Reice Buchwald.

SHARE