Trump oo ku hanjabay inuu xirayo baraha bulshada

86
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hankabay in uu xiri doono baraha bulshada ee Twitter-ka iyo Facebook. Reuters

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa ku hanjabay in xisbiga Jamhuuruga ay xirayaan Baraha Bulshada maalin kaddib markii ay barta Twitter soo raacisay qoraal shaki galinaya xaqiiqada qoraallo uu Trump soo dhigay Twitter.

Qoraalada Trump ayuu ku sheegay in ay jiraan coddeyn been ah oo si weyn loogu sameeyay dhanka Internetka ama Email ahaan.

Trump oon qoraaladiisa hore si gooni ah ugu tilmaamin bar gaar ah ayaa sheegay in baraha bulshada ay caburinayaan xisbiga Jamhuuriga .” Si adag ayaan ula socon doonnaa, ama waan xiri doonnaa ka hor inta aysan mar labaat tan oo kale dhicin” ayuu yiri Trump.

Saacado kaddib Madaxweyne Trump ayaa sii waday weerarkiisa Baraha Bulshada waxa uuna si gooni ah u beegsaday barta Twitter.Trump ayaa sheegay in wax kasta oo ay Twitter iyo kuwa kale ee la midka ah ay ka sheegayeen in ay run tahay , waxaana jiri ficil weyn iyo tillaabo xigi doonta.

Trump ayaa marar hore baraha bulshada sida Facebook , Twitter, Google ku eedeyay in ay dhan u janjeeraan oo ay caburinayaan taageerayaashiisa.

SHARE