Trump oo ku hanjabay inuu u dirayo militariga si loo soo afjaro bannaanbaxyada ka socda Mareykanka

169
Trump oo ku hanjabay inuu u dirayo militariga si loo soo afjaro bannaanbaxyada ka socda Mareykanka. BBC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu u diri doono milatariga si ay uga hortagaan rabshadaha sii kordhaya ee shacabka Mareykanka ka dib dhimashada nin madow oo booliska dileen.

Wuxuu sheegay hadii magaalooyinka iyo gobolada ay xakameyn waayaan mudaaharaadka ayna “difaaci wayaan degaanadoo” uu geyn doono ciidanka “si dhaqso ahna uu dhibaatada u soo afjaro”.

Mudaaharaadyada dhimashada George Floyd ayaa sii kordhay usbuucii la soo dhaafay.

Afar booliis ah ayaa lagu toogtay laguna dhaawacay magaalada Missouri, waxa ay ciidamadu leeyihiin waa dhacdo joogto ah.

Saacado ka hor, Washington DC, booliisku waxay dibadbaxayaasha ka nadiifinayeen meel bannaanka ka ah iyaga oo adeegsanaya sunta dadka ka ilmaysiisa iyo rasaasta caagga ah iyadoo uu Mr Trump ka hadlay Aqalka Cad.

Madaxweynaha ayaa markaa kadib ka gudbay baarkinka isaga oo tagay kaniisad dibadbaxayaasha waxyeeleeyeen, isaga oo dhaleeceyn ballaaran kala kulmay kuwa ku eedeeyay in ay si arxan-darro ah u bar-tilmaameedsadeen dibad-baxayaasha nabdoon iyaga oo sheegay in Madaxweynaha uu fursad sawir uu u arkay inuu meesha tago.

Dhanka kale, dhawr magaalooyin waaweyn ah ayaa lagu soo rogay bandow habeenkii oo dhan ah. Magaalada New York waxaa laga xirayaa ilaa shanta subaxnimo maalinta talaadada iyadoo Washington DC la kordhisay bandoowgeeda labo habeen oo kale.

Magaalada New York, dukaankii caanka ahaa ee Macy ayaa la jebiyey isla markaana bakhaarka shirkada Nike ayaa la bililiqaystay, halka wejiga kale ee dukaannada iyo daaqadaha bangiyada la jebiyey. Dhowr qof ayaa booliisku xiray. Bandoowgu wuxuu ka bilaaban doonaa magaalada 2 habeenimo (saqda dhexe).

Mudaaharaadyada ayaa billowday ka dib markii fiidiyow muujinaya Mr Floyd, oo 46 jir ah, lagu xiray magaalada Minneapolis 25kii Maajo iyo sarkaal boolis caddaan ah oo sii waday inuu jilbaha ku sii hayo qoorta Mr Goerge Floyd xitaa markii uu ka baryay inuusan neefsan karin.

Sarkaalkan, Derek Chauvin, ayaa lagu oogay dilka heerka saddexaad ah, waxaana la horkeeni doonaa maxkamadda toddobaadka soo socda. Saddexdii sarkaal ee kale oo boolis ah ayaa shaqada laga eryay.

SHARE