Trump oo ku hanjabay burburinta dhaqaalaha Turkiga

661

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isniintii weerar ku qaaday dalka ay xulafada ku yihiin Nato ee Turkiga .

Trump ayaa ku hanjabay in uu dhaqaalaha Turkiga burburinayo sidii horay u dhacday haddii Turkigu ay duulaanka ay qorsheynayaan ay ku sameeyaan wax aysan Mareykanku raali ka ahayn ama ay ku fogaadaan duulaanka ay ku qaadayaan waqooyi bari Suuriya.

Trump oo ogolaaday duulaanka Turkiga ee waqooyiga Suuriya ayaa qoraal kale oo uu soo dhigay barta Twitter-ka ku goodiyay in uu gabi ahaanba burburin doono dhaqaalaha Turkiga haddii ay sameeyaan wax ka baxsan xadka .

Mareykanka ayaa shaaciyay in ciidankooda ay kala baxayaan waqooyi bari dalka Suuriya halkaas oo ay ku suganyihiin kooxda Kurdishka oo halis u galaya duulaanka Turkiga maadaama uu Turkigu u yaqaan argagixiso.

Kooxda YPG ee Kurdishka oo in badan xulafo Mareykanka kula ahayd dagaalkii Daacish ayaa sheegtay in Mareykanku uu uga baxay furinta ayna wajahayaan halis ka imaaneysa Turkiga.

Hadalka Madaxweyne Trump ayaa u muuqda in uu raaligalin uga dhigayo dhaliil uga timid labada xisbi Mareykanka oo si weyn uga horyimid in Mareykanku uu ka soo baxo waqooyiga Suuriya.

Senator Mconell oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare ee xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in ka bixitaanka Mareykanka ee Suuriya ay kaliya faa’iido u tahay Iiraan iyo Ruushka.

Afhayeenka aqalka wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ayaa dhankeeda sheegtay in ka bixitaanka Mareykanka ee waqooyiga Suuriya uu khatar galinayo amniga gobolka.Waxa kale oo ay tilmaantay in go’aankaas uu dirayo farriin ah Mareykanka ma ahan saaxiib la isku halleyn karo.

Madaxweyne Erdogan oo horay ugu dhawaaqay hawlgalka ayaa maanta mar kale warfidiyeenka u sheegay in uu bisha November dhexdeeda qorsheynayo tagitaanka Mareykanka si uu ugala hadlo sameynta aaga nabadeed oo gudaha Suuriya.

Erdogan ayaa sidoo kale Madaxweyne Trump kala hadli doona arrinta la xiriita diyaardaha dagaalka F35 oo Mareykanka iyo Turkigu ay isku maandhaafeen in laga gado Turkiga kaddib markii Turkigu soo iibsaday gantaalaha difaaca Ruushka ee S400 taas oo ka careysiisay Mareykanka.

Trump ayaa mar uu qadka taleefoonka kula hadlay Erdogan uga digay in tallaabooyin bini aadaminada ka dhan ah haddii ay qaadaan dhaqaalahoodu dhulka gali doono.

Faransiiska ayaa maanta sheegay in ka bixitaanka Mareykanka ee waqooyiga Suuriya ay horseedi karto dib usoo laabashada kooxda Daacish.

Madaxweyne Erdogan ayaa ballanqaaday in Turkigu ay ka difaaci dhulka ay galaan kusoo noqoshada kooxda Daacish oo horay looga saaray. Mareykanka iyo Turkiga ayaa ku heshiiyay in Turkigu hayo maxaabiistii kooxda Daacish ee lagu qabtay aaggaas.