Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markii u horreysay qirtay in uu sannadkii 2017 doonayay khaarijinta Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad, hase ahaate uu ka diiday xoghayihii difaaca Mareykanka ee xilligaa Generaal James Mattis.
Trump oo la hadlayay barnaamijka Fox and Friends ee ka baxa telefishinka Fox ayaa sheegay in uu diyaariyay qaabkii Asad lagu dili lahaa laakiin uu ka horyimid General Mattis oo uu Trump ku tilmaamay mid la buunbuuniyay.
Tallaabada uu Trump ka qaadi rabay Al Asad ayaa ka dhalatay duqeyn loo adeegsaday hubka kiimikada ah oo lagu laayay dad rayid ah oo u dhashay dalka Suuriya.
“ Waan khaarajin lahaa isaga” Trump ayaa yiri. “ Wax walba waan dejiyay. Balse Mattis ma doonayn inuu sameeyo sidaas. Mattis waa Generaal la buunbuuniyay.”
Markii la weydiiyay inuu ka qoomameynayo inuusan ka taqalusin Assad, Trump wuxuu intaas ku daray: “Maya, kama qoomameynayo taas. … waan khaarijin karay haddii aan doonayo. Mattis ayaa ka soo horjeestay. ”
Kashifaadda ayaa waxaa horay buuggiisa ugu sheegay wariyaha rugcaddaaga ah ee ka tirsan Wargeyska Washington Post ee Bob Woodward ee ku caan baxay bannaan keeniddii fadeexaddii Water Gate oo Madaxweyne Nixon ku qasabtay in uu xukunka ka dego.