Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in heshiiska Britain ee ka bixitaanka Yurub ee Ra’iisul Wasaare Theresa May uu khatar galin karo heshiis ganacsi ee Mareykanka iyo Britain.
Madaxwaynaha Mareykanka ayaa u sheegay wariyeyaasha in heshiiska ka bixitaanka Midowga Yurub “ay u egtahay mid aad ugu wanaagsan EU-da” macnaheeduna yahay in UK aysan awood u laheyn inay ganacsi la gasho Mareykanka.
Britain ayaa ku adkeysanaysa in heshiiska uu yahay “mid aad u cad”Britain-na ay awood u yeelan doonto inay saxiixdo heshiis ganacsi oo lala galo waddamada adduunka oo dhan.
Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha Theresa May ayaa u sheegi doonta dadka inheshiiskeedii “uu gaari doono gees kasta oo ka mid ah Britain” booqasho ay ku tagayso gobolada Wales iyo Waqooyiga.
Mr Trump ayaa yiri: “Hadda haddaad eegto heshiiska, [UK] ma awoodi karto in aan ganacsi na dhex maro, taasina ma ahan wax wanaagsan, uma malaynayo in ay sidaasi u la jeedaan. “
Waxay u egtahay in Mr Trump uu hadalkiisa ula jeeday in heshiiska uu Ingiriiska u horseedi doono inuusan awoodin wadaxaajood ganacsi xor ah oo lala galo Mareykanka. Si kastaba ha ahaatee, isagoo ka jawaabaya hadalka madaxweyne Trump, Afhayeenka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Britain ayuu sheegay in heshiiskii ka bixitaanka Midowga Yurub ee dhacay Axaddii uu ogolaan doono UK in ay la gasho heshiisyo dalal badan oo ay ku jiraan Mareykanka.
Heshiiska Britain ay uga baxayso Midowga Yurub ayaa hoggaamiyaasha reer Yurub Axadii saxiixeen iyadoo Britain si rasmi ah la qorsheeyay in ay uga baxdo Yurub inteeda kale bisha Maarso ee sanadka 2019-ka.