Trump oo ka badbaaday xil ka xayuubintii

698
Trump oo ka badbaaday xil ka xayuubintii. Sawirka: Sawirka: AFP

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Aqalka sare ee Mareykanku ka bari yeeleen eedeyn horseedi kartay xil ka xayuubin oo congresku ujeediyeen.

Baaritaanka la xiriira ku tagri fal awoodeed oo ay gadaal ka riixayeen xisbiga dimuqraadiga ah ayaa ku dhammaatay in Trump laga bari yeelo wax eed ah.

Golaha Senate-ka oo ay ku xooggan yihiin taageerayaasha Madaxweyne Trump ee xisbiga Jamhuuriga ah ayaa cod ay qaadeen waxay 54 cod Madaxweyne Trump uga bari yeeleen in uu ku kacay tagrifal awoodeed, halka 48 ay u codeeyeen in xilka laga qaado.

Isla cod kale oo la xiriiray in uu hor istaag ku sameeyay baaritaanka Congresska ayaa waxaa u codeeyay kana bari yeelay 53, halka 47 ay ka codeeyeen.

Bishii December ee sanadkii tagay ayaa xisbiga Dimuqraadiga ah waxa uu ku helay eedo la xiriira in uu Ukraine ku cadaadiyay sumcad dilka nin ay siyaasadda isku hayaan ee Joe Biden.

Madaxweyne Trump ayaa bisha November u istaagaya doorashada Mareykanka isaga oo noqonayaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee isaga oo la casilay tartama.

Aqalka sare ee Senate-ka ayaa codeyn taariikhi ah waxa ay ku bari yeeleen Trump oo horay ay xilka uga xayuubiyeen Congreska ay ku xooganyihiin xisbiga Dimuqraadiga.

Trump oo u taagan in uu mar labaad noqdo Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in markii xisbiga Dimuqraadigu ay ka guuleysan waayeen, ay xil ka xayuubin miciinbideen.

Trump ayaa loo heystay eedo la xiriira in uu si ka baxsan awooddiisa u isticmaalay isaga oo wiilka uu dhalay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Joe Biden dowladda Ukraine ku cadaadiyay in ay baaraan, haddii kale se uusan siin doonin kaalmada milatari ay dalkiisa siiyaan Ukraine.