Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu hakinayo wadahadalada kaabidda Miisaaniyadda Covid-19 uuna dib u bilaabi doono marka dib loo doorto.
Trump ayaa saadaaliyay in uu ku guuleysan doono doorashada bisha dambe ee Mareykanka markaa kaddibna uu meel marin doonin sharcigaas xoojinta Miisaaniyadda inta lagu jiro fayraska Corona.
Suuqayada saamiyada Mareykanka ayaa hoos u dhacay ka gadaal shaacinta Trump ee uu in uu ka baxay wadahadalada ku aaddan sharciga taageeridda Miisaaniyadda fayraska Corona.
Wadahadalada u dhaxeeyay Afhayeenka Aqalka wakiilada oo sidoo kale ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga Nancy Pelosi iyo xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin ayaa bilowday bishii July ee sanadkaan.
Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ah Joe Biden ayaa Madaxweyne Trump ku eedeeyay in uu dhabarka xijiyay dadka Mareykanka.
Trump ayaa xisbiga Dimuqraadiga ku eedeeyay in ay ku fashilmeen inay wax ka qabtaan magaalooyinka kacay iyo Gobolada ay xukumaan oo dambiga heerka dhaafay.
Madaxweyne Trump oo qudhiisa laga daweynayo cudurka Corona Fayras ayaa bisha dambe tartan la galaya ninka ay sida weyn isku hayaan ee Joe Biden oo calanka u sida xisbiga Dimuqraadiga.

























