Trump oo hanjabaad diray ka hor codaynta QM

1047
Madaxweyne Donald Trump sawirka/Reuters

Madaxwaynaha dalka Mareynkanka Donald Trump, ayaa ku goodiyay inuu deeqaha dhaqaale uu  ka jaran doono dalalka ka qayb qaata  cod u qaadidda Qaramada Midoobay, kaasi oo ah qaraar  ka dhanka ah go’aankii Trump ee magaalada Qudus.

Donald Trump, oo  ka hadlay Aqalka cad ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in Mareynkanka uu kor  kala socon doono qaabka ay codeyn uga dhaceysa xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

“Waxay naga qaataan boqolaal milyan oo doolar iyo xataa balaayiin doolar haddana codkooda ayay nagu mucaaradayaan,” ayuu u sheegay saxafiyiinta.

“codkooda hanagu mucaaradaan, lacag badan baa anagana noo baaqan doontee” ayuu intaasi Ku daray.

Haddalkiisan ayaa yimid ka hor codaynta loo qaadayo qaraarka ka dhanka ah in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa’iil ee uu qabanayo Golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay.

Riyad al-Malki, Wasiirka Arrimaha Dibadda Falastiin,ayaa arbacadii shalay ku eedeeyay Mareynkanka inuu u goodiyay wado xubno ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo ku aadanaa inuu deeqaha ka jaranayo haddii ay taageeraan Qaraarka Qaramada Midoobay ay kaga hor timid in Qudus ay tahay caasimadda Israel.

Madaxwaynaha dalka Maraykanka, Donald Trump, ayaa bilowgii bishan Ku dhawaaqay in dowladda Maraykanka ay magaalada Qudus u aqoonsatay Caasimadda Israel.

Go’aankaasi ayaa dhaliyay carro iyo dibad baxyo ay dhigayaan Falastiiniinta Ku nool Maanta Galbeed.

Maraykanka, ayaa awooddiisa Veto-ga Ku hor istaagay codayn golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ay Ku diidayeen go’aankii Trump.

Qaraarkan ayaa waxaa soo diyaarisay dowladda Masar waxaana taageray xulafada soo jireenka ah ee dalka Maraykanka kuwaasi oo kala ah Faransiiska iyo Ingiriiska.

Qaraarka ayaa loo weeciyay golaha guud ee Qaramada Midoobay halkaasi oo aan oolin codka Veto-ga oo ah diidmo qeexan oo golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ay Ku leeyihiin dowladaha Shiinaha Ruushka, Faransiiska, Ingiriiska iyo Maraykanka.