Trump oo eryay marqaatiyaal qayb ka ahaa baaritaankii xil ka xayuubinta

592

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaqada ka ceyriyay labo hawlwadeen oo sare kuwaas oo ku marqaati kacay intii uu socday baaritaankii xil ka xayuubinta.

Ergeyga Mareykanka u qaabilsanaa Midowga Yurub Gordon Sondland ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu dib ugu yeeray si aan ka noqosho lahayn taasna ay si dhaqso ah u dhaqangaleyso.

Saacado kahor gaashaanle Alexender Vindman oo khabiir ku ah dalka Ukraine ayaa laga waday Aqalka Cad.

Trump ayaa la sheegay in uu maaganyahay isku shaandheynta shaqaalaha Aqalka Cad kaddib markii ay bariyeeleen Senate-ka Aqalka Sare oo ku waayay eedo la xiriiray ku tagrifal awoodeed iyo in uu is hortaagay in Aqalka wakiilada ay baaritaan ku sameeyaan.

Go’aan taariikhi ahaa ayay Aqalka Sare kaga baaqsadeen in ay xilka kaga xayuubiyeen Madaxweynaha 45aad ee dalka Mareykanka.

Gaashaanle Alexender Vindman walaalkiis Yevgeny Vindman oo ahaa garyaqaan sare oo ka tirsan Hey’adda amniga qaranka Mareykanka ayaa shaqada laga saaray.

Madaxweyne Trump ayaa tallabaadaan uu qaaday uga dan leh sidii uu meesha uga saari lahaa xubnaha uu u arko in aysan daacad u ahayn.