Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa diiday inuu ballanqaado in si nabad ah xukunka loogu wareejiyo haddii looga adkaado doorashada bisha Nofeembar.
“Hagaag, waa inaan aragnaa waxa dhaca,” ayuu madaxweynaha ku sheegay shirkiisa jaraa’id ee Aqalka Cad. “Waad ogtahay taas.”
Mr Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu rumeysan yahay in natiijada doorashada ay ku dambeyn karto maxkamada sare ee Mareykanka, maadaama uu markale shaki galiyay codeynta boostada.
Gobollo badan ayaa dhiirrigelinaya codeynta boostada, iyagoo daliishanaya baahida loo qabo in laga ilaaliyo dadka Mareykanka ah coronavirus.
Mr Trump ayaa la weydiiyay inuu balan qaadayo in si nabad ah uu xukunka ugu wareejiyo “guul, guul daro ama barbaro” haddii Musharraxa xisbiga Dimuquraadiga ee Joe Biden ka guuleysto. Madaxweynaha ayaa hada ku raad jooga ninka la tartamaya ra’yi uruurintiisa iyadoo 41 maalmood ay ka harsan tahay doorashada.
“Waxaan aad uga cabanayay codeynta boostada,” ayuu yiri Mr Trump, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga. Codeynta boosta waa musiibo. Mar wariye weydiiyay sidoo kale in “dadku rabshado wadaan”, Mr Trump ayaa yiri: “Ka takhalus waraaqaha codbixinta, waxaadna yeelan doontaa wax aad u badan – waxaad heli doontaa mid aad u nabdoon – wareejin ma jiri doonto, si hufan, halkaas ‘ waxa jiri doonta in aan joogno. ”
Doorashada Mareykanka oo ay ugu tartamayaan Madaxweyne Trump oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo Joe Biden oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa dhacaysa 3 bisha November ee sanadkaan.