Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa digniin culus u jeediyay Iran, isagoo soo jeediyay in la burburin doono haddii dagaal ka dhex qarxo labada dal.
“Haddii Iran ay rabto in ay la dagaallanto, taasi waxay noqon doontaa dhammaadka rasmiga ah ee Iran,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka madaxweyne Trump. “Marnaba ha u hanjabin Mareykanka mar kale!” Ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Mohammad Javad Zarif ku gacan saaray digniinta madaxweynaha Mareykanka uu Iran u jeediyay, isagoo ku jawaabay ” in hadalkiisa aargoosiga ah ‘uusan ku dhicin Iran'”. wuxuuna uga digay inuusan u hanjabin dalka Iran.
Maraykanku waxa uu maraakiib iyo diyaarado kuwa wax duqeeya ah u diray Gacanka Khaliijka dhawr maalmood ka hor.
Wareysi uu siiyay Telefishinka Fox News Axaddii, madaxwayne Trump ayaa sheegay inuusan u oggolaan doonin in Iran ay horumariso hubka nukliyeerka laakiin wuxuu sheegay inuusan rabin isku dhac ama dagaalka Iran ah.
“Ma ahi qof doonaya inuu galo dagaal, maxaa yeelay dagaalku waxa uu dilaa dhaqaalaha, dagaalku wuxuu dilaa dadka- oo ugu muhiimsan,” ayuu yiri.
Iran ayaa sidoo kale u dhaqaaqday in ay ka hadasho walaaca ka taagan xiisadaha sii kordhaysa. Sabtidii, wasiirkii arrimaha dibedda ayaa ku adkeystay inaysan jirin rabitaan ay Iran u hayso dagaal.
“Ma jiri doono dagaal, maadaama aynaan rabin dagaal, cidna ma lahan shucuur ay kaga hortagi karaan Iran gobolka,” Mr Zarif ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Irna.
Xiisada u dhaxeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordhaysa iyadoo hadalo kulul warbaahinta iyo baraha bulshada labada dhinac isku mariyeen.