Taliyeyaasha ciidanka Mareykanka ayaa filaya in Madaxweyne Trump uu soo saari doono amar rasmi ah toddobaadkaan si uu u dhimo askarta Mareykanka ka joogta Afghanistaan iyo Ciraaq ka hor inta uusan xafiiska ka tagin 20-ka bisha Jannaayo ee sanadka cusub.
Wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa amar ogeysiin dul dhigtay saraakiisha ciidanka si ay ugu diyaargaroobaan bixitaanka.
2,500 askari ayaa la filayaa in Mareykanku kala baxo Afghanistaan, iyada oo tiro u dhigantana laga baxayo Ciraaq. Mareykanka ayay Afghanistaan ka joogaan 4,500, halka Ciraaqna ay ka joogaan 3000 kun.
Aqalka Cad iyo wasaaradda difaaca Mareykanka ee Pentagon ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan arrintaan.
Madaxweyne Trump ayaa horay u ballan qaaday in ciidankiisa uu kala baxayo Afghanistaan, hayeeshee arrintaas ayaan u muuqan in ay dhaqangaleyso marka la eego waqtiga uu haray Trump oo ku eg 20ka bisha Jannaayo ee sannadka cusub.