Trump oo cafis u fidiyay  la taliyihii hore ee amniga Qaranka Mareykanka

273
Trump oo cafis u fidiyay  la taliyihii hore ee amniga Qaranka Mareykanka Micheal Flyn: Reuters

Madaxweyne Donald Trump ayaa cafis u fidiyay la taliyihiisii hore ee amniga Mareykanka Micheal Flyn, markii uu qirtay dambiga been u sheegidda Hey’adda FBI-da.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in cafiska sida weyn looga filayay uu yahay mid ka turjumayso sharaftiisa.

Micheal Flyn ayaa ka mid ahaa gacan yarayaal Madaxweyne Trump oo Waaxda cadaaladda Mareykanka ay ku heshay dambi la xiriira faragalinta la shegay in Ruushku ku sameeyay doorashada Mareykanka.

Flyn ayaa qirtay in uu sanadkii 2017 FBI been uga sheegay xiriirkiisa ergayga Ruushka ee Mareykanka, kaddibna uu ka noqday hadalkii uu maxkamadda u sheegay.

Aqalka Cad ayaa sheegay in cafiskaan soo afjari doono baacsiga aan kala joogsiga lahayn ee  halka dhinac ah ee lagu baacsanayo nin aan waxba geysan.

Qoraalka Aqalka Cad Arbacadii ka soo baxay ayaa Micheal Flyn lagu tilmaamay dhibane koox dowladda ka mid ah oo dooneysay in doorashadii 2016 la baabi’yo sababo la xiriira faragalinta lagu andacooday ee Ruushka.

Madaxweyne Trump oo qoraal bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayaa yiri “Waxa ay ii tahay Sharaf Weyn inaan ku dhawaaqo in General Michael T. Flynn la siiyay Cafis Buuxa. Hambalyo@GenFlynn iyo qoyskiisa cajiibka ah”.

Micheal Flyn ayaa bartiisa Twitter ka soo dhigay qoraal ka kooban astaanta calanka Maraykanka iyo erayo bible ka ah oo u dhigneyd ; ” Way kula dagaali doonaan, laakiin kaama adkaan doonaan oo aniga ayaa kula jira oo ku badbaadinaya”.

Baaritaan ay wadday Waaxda caddaaladda Mareykanka oo socday 22 bilood ayaa la soo gebagabeeyay sanadkii 2019. Ma jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in Trump iyo dadka ku dhow ay Aqalka Ruushka laga xukumo ee Kremlin la maleegeen in ay ku guuleystaan doorashadii Mareykanka ee 2016-dii.

SHARE