Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqday magaalada Kenosha, ee Gobolka Wisconsin, si uu taageero Hey’adda amniga iyo booliiska kadib toogashadii booliska ee nin madow ay dhalisay rabshadaha.
Madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyey”argagixisada gudaha ah” “burburka” ka dhacay magaalada Kenosha.
Magaalada Kenosha ayaa waxa ay la kulantay rabshado socday dhawr maalmood kadib markii booliisku dhabarka ka toogteen Jacob Blake oo curyaan u noqday dhaawac soo gaaray 23 Ogoosto.
Ra’yi ururin la sameeyay ayaa muujineysa in Mr Trump uu ciriiri gelinayo hogaamiyaha xisbiga Dimuquraadiga Joe Biden ka hor doorashada bisha November.
Madaxweyne Trump ayaa gadaal ka riixaya fariin adag oo ah “sharci iyo amar”. Mr Biden ayaa ku eedeeyay Mr Trump inuu hurinayo kala qeybsanaanta dadka.
Mareykanka ayaa waxaa aad u hareeyay toddobaadyadii la soo dhafaay bannaanbaxyo looga soo horjeedo dilalka arxan darra ah booliiska iyo cunsuriyadda ka dhanka ah dilalka booliiska ee dadka madowga ah.