Trump oo booqasho rasmi ah ku tagay UK

763

Madaxweyne Trump ayaa gaaray UK, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo seddex maamood ah.

Dayaaradiisa, Airforce 1, ayaa ka degtay garoonka Stansted ee ku yaalla duleedka London, halkaasoo uu ka raacay helicopter u qaadday halka uu deggan yahay safiirka Maraykanka ee bartamaha London.

Inta uu socdaalkiisa ku jiro wuxuu la kulmi doonaa boqorad Elizabeth iyo ra’iisul wasaaradda UK, Theresa May.

Trump ayaan waxba ka soo qaadin mudaaharaadyo qorshaysan oo isaga ka dhan ah, waxaana ku jira mid uu ka dhex muuqdo baambole ilmo ah oo astaamihiisii loo yeelay.

Wuxuu yiri – waa sida uu hadalka u dhigaye – “aad ayey reer UK ii jecel yihiin”.

Wuxuu ka soo kicitimay magaalada Brussels oo uu kulan kula lahaa madaxda NATO.

Dhanka kale

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa daqiiqado ka hor war kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaa uu Ku sheegay in arrimaha dalka Kuuriyada Waqooyi hormar laga sameeyay.

Trump ayaa qoraalkiisa waxaa uu soo raaciyay war qad uu u soo diray hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi taasi oo Ku qornayd luuqada Kuuriya islamarkaana raacsan mid Ku turjuman English.