Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa meesha ka saaray jiritaanka sheeko la faafiyay oo tilmaameysa in uu Madaxwynaha dalka Ukraine Volodmyr Zelensky u sameeyay ballanqaad si loo baaro Maadaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden iyo wiilkiisa oo xubin ka ah maamulka shirkadda gaaska Ukraine.
Madaxweyne Trump ayaa sheekada ku tilmaamay mid lagu qoslo ,isaga oo intaas ku daray in wadahadalada uu la yeesho madaxda dunida kale ay tahay mid habboon .
Warbixinta la faafiyay ayaa sheegtay in Trump uu hoggaamiyaha Ukraine ka codsaday in la baaro Joe Biden wiilkiisa ,oo taa badalkeeda uu Trump dalka Ukraine siin doono taageero militari. Joe Biden ayaa ka mid ah musharxiinta ugu cadcad ee xisbiga Dimuqraadiga ah ee doorashada soo socota ee Maraykanka sanadka 2020.
Warbixinta uu ka qoray wargeyska Washington Post cabashada sarkaal sirdoon ah ayay ku sheegtay in sarkaalka sirdoonka ah uu u arkay hadalka Madaxwyeyne Trump uu ku yiri Hoggaamiye dal kale mid aad looga Walaaco taas oo keentay in uu u tago hoggaanka ugu sarreeyo waaxda sirdoonka uu ka tirsanaa sarkaalka sirta bixiyay.
Dhanka kale wargeyska Wall street Journal oo soo xiganaya ilo wareed ayaa sheegay in Trump uu sideed mar ku booriyay Madaxweynaha Ukraine la shaqeynta garyaqaankiisa gaarka ah Rudy Guiliani oo baaraya wiilka Joe Biden hase ahaate uusan marnaba waxba ugu badalin.
Afhayeenka Aqalka wakiilada Maraykanka Nancy Pelosi ayaa Jimcihii sheegtay in cabashada uu sarkaalka sameeyay ay muujineyso arrin khatar ku ah amniga Maraykanka taas oo ay tahay in si degdeg ah wax looga qabto. Xubnaha dimuqraadiga ah ee Congresska ayaa doonaya in arrinta loo gudbiyo Congresska.
Madaxweynaha dalka Ukrain iyo Trump ayaa 25 bishii July taleefoonka ku wada hadlay,taas oo muujineysa taariikh ka duwan tan uu faafiyay qofkii sirta fakiyay oo ku sheegay 12 Agoosta xilliga ay wadahadleen labada Hoggaamiye.
Bahda sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in sheekadu muujineyso xadgudub lagu samaayey sharciga Maraykanka. Xogta ayaa haddii ay gudbineyso siro muhiim ah waxa uu qabaa sharciga Maraykanka in waaxda sirdoonku toddobaad gudaheed dacwad ugu gudbiyaan aqalka wakiilada Maraykanka.
Congresska Maraykanka ayaa inta aysan sheekadaan bannaanka imaan waxay baaritaan ku wadeen xiriirka ka dhaxeeya Trump,garyaqaankiisa iyo Ukraine.
Guiliani ayaa lagu eedeeyay in uu isku dayayo saameyn ku yeelashada garsoorka dalka Ukraine si ay taasi uga caawiso Madaxwyne Trump in mar labaad la doorto madaama uu rabo in dacwad lagu furo dad ay is hayaan siyaasad ahaan. Garyaqaanka Trump oo Telefishinka CNN ka la hadlay ayaa beeniyay eeddaas.
Maraykanka ayaan ilaa iyo hadda bixin 20 Milyan oo dollar oo kaalmo militari loo siiyo Ukraine. Booqashadii Madaxweynaha Ukraine ee Washington ayaan waxba ka soo bixin,iyada oo la filayo sida ay Ukraine shaacisay in Madaxweyne Trump iyo Zelensky ay isku arkaan shirka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay.