Trump oo baaritaanka kale wajahaya

827

Guddiga baritaanka u qaabilsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa baaritaan ku haya in haddii madaxweyne Trump uu been u sheegay guddigii gaarka ahaa ee Robert Mueller, xilligii uu ka warbixinayay galaangalkii Ruushka ee doorashadii Mareykanka ee isaga uu ku guuleystay.

“Madaxweynaha ma been buu sheegay?” qareen wakiillada matalaya ayaa sidaa ka sheegay maxkamad, xilligii uu gudbiyayay kiis ay ku dalbanayaan feylashada baaritaankii guddiga gaarka ah.

Xildhibaannada soo jeediyay in xilka laga qaado Trump ee ka tirsan Congress-ka ayaa lagu soo warramayaa in ay baarayaan hadda warbixintii madaxweynaha ee Mueller uu siiyay ee si gaarka ah ugu saabsanayd WikiLeaks.

Arrinta ugu sareysa ee baaritaanka Dimuquraadiga uu aad ugu ooman yahay waxay tahay, eedeynta ah inuu Trump si xun u adeegsaday awoodda madaxweynenimo ee kiiska Ukraine iyo doorashada Mareykanka.

Xildhibaannada waxay markii hore dalbadeen macluumaadka xeer-beegtida oo aan lakala soocin oo ah warbixintii bishii July ee sannadkan.

Maxkamad ayaa arrintaas u fasaxday bishii October, in kastoo waaxda cadaaladda ay racfaan ka qaadatay. Dhageysiga kale wuxuu noqonayaa mid go’aan looga gaarayo haddii racfaanka uu meel marayo ama in xildhibaannada loo fasaxayo markale.

Aqalka Congress-ka wuu arkay inta badan warbixintii Mueller – waxaa qeyb ka ah macluumaad wax laga saaray – laakiin waxyaabo xeer-beegti ay uruurisay ayaa weli qarsoon.

Doug Letter, oo mataleyay Guddiga Congress-ka u qaabilsan cadaaladda – kaas oo ugu dambeyn masuul ka noqonaya gudbinta mooshinka xil ka qaadista Trump – wuxuu la hadlay maxkamadda cadaaladda, shalay Isniintii.

Wuxuu sheegay in baaritaanka lagu uruurinayo macluumaadka mooshinka, uu si gaar ah ugu saabsanaa arrinta Ukraine, laakiin hadda waxay xildhibaannada billaabeen baaritaan ku saabsan haddii Donald Trump uu been u sheegay Mueller.

Madaxweyne Trump ayaa guddiga Mueller la hadlay xilligii la baarayay galaangalkii Ruushka ee doorashadii 2016-kii.

Mr Letter wuxuu dalbaday qeybihii la qariyay ee warbixintii Mueller iyo qoraallo dhammeystiran oo la xiriira qeybahaas warbixinta ka tirsan.

Mr Trump kama marag furin baaritaankii Muller hortiisa, balse wuxuu gudbiyay jawaabo qoran oo la xiriiray qaar ka mid ah su’aalaha ee kaga ymid guddiga.

Xilligii uu socday hadalkii marqaatida ee Muller uu ka hor jeediyay Congress-ka, bishii July, waxaa lagu weydiiyay in Trump uu bixiyay jawaab aan dhameystirneyn oo muujineysay in uusan markasta runta sheegin. Mr Muller wuxuu ku jawaabay: “Waan dhihi karaa sidaa, guud ahaan.”

Ma cadda waxa dhabta ah ee Mr Muller uu ula jeeday hadalkaas laakiin Mr Letter wuxuu maxkamadda u sheegay in uu aaminsan yahay in madaxweynaha “uusan run ka sheegin qaar ka mid ah jawaabihiisa”.

Warbaahinta Mareykanka waxay ku warrameysaa in Mr Letter uu ula jeeday hadalkaas in Trump uu been ka sheegay xiriirkii WikiLeaks iyo wixii uu ka ogaa jabsashada email-lada xibsiga Dimuquraadiga.

Mr Letter wuxuu intaa ku daray in cadeyn ay tahay hadalkii dhowaan ee lataliyaha madaxweynaha, Roger Stone taas oo xoojisay doodda xildhibaannada ee ah in macluumaad muhiim ah la qariyay.

Stone, oo lagu helay in uu been u sheegay Congress-ka, isbuucii tagay, ee la xiriirtay shaqadiisii WikiLeaks, wuxuu dhowr goor wacay madaxweyne Trump, sannadkii 2016-kii.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in uusan ogeyn wax xiriir ah oo ka dhexeeyay ololihisii doorashada iyo WikiLeaks iyo in uusan Stone kala hadlin wax la xiriira WikiLeaks.

Ka dib dooddii isniintii, maxkamadda racfaanka waxay eegeysaa go’aanka ay ka gaari karto arrintan.

Ka hor arrintaa maxkamadda ee dheeraadka ku noqoneysa baaritaanka, Mr Trump wuxuu bartiisa Twitter-ka ku qoray in uu “si adag u daneynayo” in uu ka hor marqaati furo guddiga baaraya arrimaha mooshinka, si “congress-ka uu markale shaqadiisa caadiga ah u qabsado”.

Sidii uu sameeyay xilligii warbixintii Mueller, madaxweyne Trump wuxuu arrimaha mooshinka xil ka qaadista ku tilmaamay “sixir”.

Isbuucan, siddeed qof ayaa la filayaa in ay hortagaan Congress-ka oo ay ka marqaati kacaan arrimaha Trump ee Ukraine la xiriira.

Telefoonkii ay ku wada hadleen madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ukraine, ee bishii July, waxaa fashiliyay qof aan la shaacin oo dacwo ahaan kaas oo ugu dambeyn sababay in baaritaan lagu billaabo Trump si mooshinka xil ka qaadis ah looga gudbiyo.

Xigasho: BBC Somali