Trump oo ay u badan tahay in uusan dagaal galin

679

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isniintii sheegay in ay u muuqato in Iiraan ay ka danbeyso weerarada loo geystay goobo shidaalka lagu sifeeyo oo ku yaalla Sucuudiga. Weeraradaas ayaa se  Maraykanku marnaba dagaal u gali doonin sida uu sheegay Madaxaweyne Trump oo si weyn uga caga jiidaya dagaal.

Wariyaasha oo Madaxweyne Trump weydiiyay cidda ka danbeysa ayaa u sheegay in ay u muuqato in Iiraan ay ka danbeyso, heyeeshe ay sugayaan caddeyn buuxda.

“Waxaan rabnaa in aan si dhab ah u ogaanno cidda ka danbeysa” ayuu yiri Trump oo aqalka cad kula kulmay dhaxal sugaha dalka Baxreyn Salmaan Bin Xamad Alkhalifa. Madaxweyne Trump ayaa intaas ku daray in ay ogyihiin halka ay wax ka yimaadeen oo faahfaahino dheeri ah ay soo bixi doonaan.

Trump ayaa inkasta oo uusan gabi ahaanba meesha ka saarin dagaal waxa uu hadalkiisa u muuqday mid aan diyaar u ahayn dagaal ay la galaan Iiraan. Trump ayaa yiri  “Waxay u badantahay in aanan dagaal gali doonin, laakiin waxaan rabaa in aan u sheego cid walba in aad ka diyaargarow badan yahay cid walba”.

Maraykanka ayaa weerarada oo dhacay sabtigii waxa ay ku eedeeyeen Iiraan, dhanka kale Iiraan ayaa iska diiday eeda oo meesha ka saartay in ay lug ku leedahay. Kooxda Xuutiga oo dagal tan iyo sannadkii 2015  kula jirta Sucuudiga ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka iyaga oo intaas ku daray in bartilmaameedyadooda Sucuudiga ay sii ballaarin doonaan.

Afhayeen u hadlay ciidanka Sucuudiga ayaa sheegay in baaritaanno hordhac ah oo la sameeyay ay tilmaamayaan in hub lagu sameeyay Iiraan loo isticmaalay weerarka. Iiraan ayaa  gabi ahaanba beenisay warka uu sheegay afhayeenka Sucuudiga, iyada oo hadalkaas ku tilmaantay marmarsiyo lagu doonayo tillaabo laga qaado Iiraan.

Xoghayaha difaaca Maraykanka  Mike Esper ayaa isniintii sheegay in weeraradu  ay yihiin kuwa aan horay loo arag sidaas darteedna ay Maraykanka iyo xulafadiisu ay si wadajir ah uga shaqeynayaan si ay u difaacaan nidaamka adduunka ee ku dhisan sharciyada oo ay Iiraan majaxaabineyso.

Esper oo taleefoonka kula hadlay dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa sheegay in Maraykanku ay ka ka baaraandagayaan qaababka ay uga falcelin karaan weerarka.

Dhinaca kale golaha sharci dajinta Maraykanka ee Congresska ayaa ka digay weerar lagu degdego oo lagu qaado Iiraan iyada aan oon si dhab loo aqoon cidda ka danbeysa.

Mudanayaasha Maraykanka ayaa Iiraan ku eedeeyay in ay caado ka dhigato fowdo iyo rabshad loo isticmaalo dibloomaasiyad ahaan. Xulafada Maraykanka ayuu ka rajeeyay mudanaha ka tirsan congresska Maraykanka in ay la qaadan doonaan tillaabooyin laga qaado Iiraan oo ka dhan ah falalkeeda dhibaatada ku ah nidaamka caalamka.