Trump oo aqbalay kala guurka loogu gudbayo Madaxweynimada Biden

114
Trump oo aqbalay kala guurka loogu gudbayo Madaxweynimada Biden

Madaxweyne Donald Trump ayaa aqbalay bilaabashada rasmiga ah ee loogu guurayo Madaxtinimada Madaxweyne Biden.

Madaxweyne Trump ayaa faray Hey’adda Federaalka ee hagaya hawlaha in ay sameeyaan wax kasta oo loo baahanyahay. Dhanka kale Trump ayaa wacad ku maray in uu sii wado doodiisa kuu aaddan doorashada looga adkaaday.

Heyadda maamulka guud ee Mareykanka  ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yiraahdo GSA ayaa Biden u aqonsatay Madaxweynaha la doortay.

Arrintaan ayaa timid kaddib markii Gobolka Michigan uu si rasmi ah u xaqiijiyay in Biden ku guuleystay doorashada Gobolkaas taas oo dharbaaxo ku ah Madaxweyne Trump.

Ku dhawaaqista hey’adda maamulka guud ee Mareykanka ayaa Madaxweynaha la doortay Joe Biden u ogolaaneysa in uu helo xogaha amniga sidoo kalena la siiyo xafiis inta uu sii sugayo la wareegidda xukunka.

SHARE