Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aqbalay casuumaad uu u fidiyay dhiggiisa dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoga, si uu u booqdo dalka Turkiga, sida uu sheegay afhayeenka Madaxweyne Erdogan.
Isagoo warfidiyeenka kuls hadlayay Isniintii magaalada Ankara, Ibrahim Kalin afhayeenka Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Trump uu doonayo inuu safar ku yimaado Turkiga sanadka 2019 balse taariikhda lama shaacin.
Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay casuumadda Trump ee booqashadiisa sanadka soo socda ah balse faahfaahin dheeraad ah kama bixin casuumadda Madaxweyne Trump.
Madaxweyne Trump ayaa Erdogan ku martigeliyay Aqalka Cad bishii May ee sanadkii hore.
Afhayeenka Madaxweyne Erdogan mr Kalin ayaa sheegay in Erdogan casuumada u fidiyay Trump intii lagu jiray wadahadal khadka telefanka ku dhexmaray toddobaadkaan iyagoo ka wadahadlay arrimaha ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Syria.