Trump oo amray in ciidanka Mareykanka ay ka soo baxaan Soomaaliya

700
Trump oo amray in ciidanka Mareykanka ayaa ka soo baxaan Soomaaliya: Associated Press.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo sii wada qorshihii uu ciidankiisa kala soo baxayay dalalka colaaduhu ka jiraan xilli lagu gudo jiro dhammaadka muddo xileedkiisa ayaa amray in ciidanka Mareykanka ee jooga Soomaaliya in ay ka soo baxaan.

Wasaaradda difaaca Mareykanka ee Pentagon ayaa jimcihii ku dhawaaqday in dhammaan ciidanka Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya oo gaaraya 700 oo askari ay dalka ka soo bixi doonaan.

Ciidankaan oo u badnaa kuwa hawlgalada gaarka ah iyo kuwa fuliya  la dagaalanka argagixisada iyo tababaridda ciidanka qaranka ayaa baxaya 15 bisha Jannaayo ee sanadka 2021 ka hor shan bari  inta uusan xukunka la wareegin Joe Biden.

Ciidankaan ayaa la dajin doonaa dalka Kenya, mana cadda in ay saameyn doonto joogitanka  kale ee Mareykanka sida CIA-da iyo dibloomaasiyiinta Mareykanka ee fadhigoodi yahay aagga garoonka caalamiga ee Muqdisho.

Mareykanka ayaa dhanka kale sheegay inay wali jiri doonto awoodda ay ku fulineyso hawlgalada gaarka ah sida weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo ka digista khataraha argagixiso.

Hawlgalada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa dhawaan dood ka taagneyd Mareykanka gudihiisa markii sarkaal ka tirsan CIAd-a lagu dilay Soomaaliya. Sarkaalkaan oo ka tirsan garabka hubeysan ee hey’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa horay uga tirsanaa ciidanka badda Mareykanka

Tallaabada uu Madaxweyne Trump ciidankiisa uga soo saarayo Soomaaliya ayaa imaaneysa  kaddib amarkii Madaxweyne Trump ee lagu dhimayay ciidanka Mareykanka ee Ciraaq iyo Afghanistaan taas oo qayb ka ah aragtida Madaxweyne Trump uu ku doonayo in uu kusoo afjaro hawlgalada iska socda ee milatariga Mareykanka uu ka wado dalalka jilicsan ee daafaha caalamka.