Trump oo afhayeenka Waaxda arrimaha dibadda u magacaabaya Safiirka Mareykanka ee QM

665

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu afhayeenka Waaxda arrimaha dibadda, saxafiyad horena ahayd Heather Nauert u magacaabo danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, sida ay qortay warbaahinta Mareykanka.

Nauert ayaa ahayd qofka uu madaxweyne Donlad Trump la rabo jagadaan ilaa bishii bishii October, wax yar kaddib markii Nikki Haley oo ahayd safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay ay si lama filaan ah uga dhawaaqday Aqalka Cad in ay shaqada ka tagayso dhammaadka sanadkaan.

Trump ayaa la sheegay inuu raadinayay musharax daacad ah kaasi oo leh kartida iyo kalsoonida uu isaga ku difaaci karo, sida uu ay qortay warbaahinta CNN.

Dadka dhaliila ayaa sheegay in tahay qof hadalka yaqaan ah, balse Nauert haysan lahayn shaqada loo rabo waayo aragnimo iyo aqoon siyaasadeed oo qoto dheer.

Heather Nauert, oo 48 jir ah ayaa inta aysan ku biiran Waaxda arrimaha dibadda ahayd weriye caan ah, iyadoo ka soo shaqaysay telefishino badan oo caan ah, sida telefishinada Fox News iyo ABC News.

Haddii Aqalka Senate-ka uu ansixiyo, Nauert waxa ay beddeli doontaa Nikki Haley, oo hadda ah danjiraha madaxweyne Trump ee Qaramarada Midoobay.

Horrey waxaa U.N. safiiro uga soo noqday danjirayaal ay ka mid yihiin Adlai Stevenson, George H.W. Bush iyo Madeline Albright.