Trump oo aan hubin in uu qabsoomi doono Shirka Singapore

763

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ay jirto ifa faalo wayn oo muujinaysa in uusan qabsoomi doonin kulanka lagu wado in uu dhexmaro isaga iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Kulanka ayaa lagu wadaa in 12-ka bisha June ee soo socota inuu ka dhaco Jaziirada Singapore.

Ka dib kulan uu Washinton kula yeeshay madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed, Moon Jae-in, ayaa Madaxwayne Trump, waxa uu sheegay in ay tahay in la fuliyo shuruudaha laga doonayo Kuuriyada Waqooyi.

Trump, ayaa sheegay in haddii Kuuriyada Waqooyi ay diido shuruudahaasi uusan kulanka dhici doonin.

” Waa laga yaabaa inuu dhaco Kulanka sida loo qorsheeyay, Haddii uu hadda dhici waayana Malaha markale ayuu dhuci doonaa” ayuu sheegay madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump.

Horey ayay dowladda Kuuriyada Koonfureed waxa ay rajo uga muujisay in kulanka lagu wado in uu dhex maro madaxwayne Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu sii socon doono iyada oo ay jirto in dhawaan ay K/Waqooyi sheegtay in ay ka fiirsanayso.

Xukuumadda Pyongyang ayaa ku hanjabtay in ay wadahadalada ka bixi doonto haddii Mareykanka ay ku cadaadiyaan in hub ka dhigis niyukleer oo hal dhinac ah.

Wariyayaasha ayaa sheegaya in Kuuriyada Waqooyi oo soo fariista miiska wadahadalada ay noqonayso mid ka mid ah siyaasadaha arrimaha dibadda ee Trump oo guulaysatay.

Khubarada ayaa sidoo kale sheegaya in kulanka oo baaqda ay noqonayso dib u dhac aad u wayn.