Ayadoo dadka caalamka Ku nool sida ay u badan yihiin ay isha Ku hayaan xaalladda sii xumaanaysa ee dalka Suuriya, horyna madaxwaynaha dalka Maraykanka uu u sheegay in guluf militari ay Ku wajihi doonaan dowladda Bishaar al-Asadka dalka Suuriya ayaa Donald Trump, madaxwaynaha dalka Maraykanka waxaa uu sheegay in marna uusan shaacin xiliga rasmuga ah ee dowladdiisa ay weerarkaasi qaadi doonto.
Donald Trump, ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaa uu Ku sheegay in uusan marna ka hadlin xiliga xaalad militari ay Ku wajahayaan dowladda Suuriya.
” Marna ma sheegin xiliga la weerarayo Suuriya. Waxaa ay noqon kartaa mar dhow ama maba dhacayso xili show! Dhacdo kasta, dowladda Maraykanka, oo hoos imaanaysa maamulkayga, waxaa ay qabatay shaqo badan marka laga hadlayo sidii aan gobalka uga erinay kooxda Daacish. Aawi mahadcilinteenii” Trump ayaa maanta oo khamiis ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Never said when an attack on Syria would take place. Could be very soon or not so soon at all! In any event, the United States, under my Administration, has done a great job of ridding the region of ISIS. Where is our “Thank you America?”
— Donald J. Trump (@realDonaldTrump) April 12, 2018
Trump, ayaa horay u sheegay in dowladda Maraykanka ay jawaab militari ka bixin doonto weerarkii Sunta loo adeegsaday ee ka dhacay magaalada Duma ee dalka Suuriya halkaasi oo ay Ku geeriyoodeen Ku dhowaad 80 qof oo haween iyo carruur u badnaa.
Hadalkan waxaa uu daba socdaa hadal uu shalay soo dhigay isla bartiisa Twitter ka oo u muuqday mid jawaab u ahaa hadal kasoo yeeray safiirka Ruushka ee dalka Lebanon kaasi oo ahaa in Ruushka uu soo ridi doono gantaal walba oo Maraykanka Ku soo gano dalka Suuriya.
Waxaa hadalka Trump-na uu sheegay in Ruushka haddii uu doonayo inuu soo rido gantaala ay Ku tuuraan Suuriya ay tahay inay u diyaar garoobaan.
” Ruushka waxaa uu sheegay inay soo ridayaan gantaal ama gantaalo walba oo Ku wajahan Suuriya. Diyaar gorooba Russia, sababta oo ah waa ay imaan doonaan gantaalada waliba ayagoo ah kuwo cusub oo fiican walibana ah kuwo ‘smart’ ah.” Ayuu Trump yiri.
” ma ahayn inaad baah-wadaag la ahaataan Xayawaanka Gaaska dadka Ku laaya, kuaas oo dadkiisa dila ka dibna iska raaxaysanaya” Trump ayaa intaasi raaciyay isagoo xayawaanka ula jeeda madaxwaynaha dalka Suuriya Bishaar al-Asad.
Russia vows to shoot down any and all missiles fired at Syria. Get ready Russia, because they will be coming, nice and new and “smart!” You shouldn’t be partners with a Gas Killing Animal who kills his people and enjoys it!
— Donald J. Trump (@realDonaldTrump) April 11, 2018
Ruushka ayaa jawaab ka bixiyay hadalka madaxwaynaha Maraykanka waxaana ay sheegeen inaysan Ku jirin diblumaasiyadda dhanka Twitter-ka ah.