Trump iyo Obama oo hadallo kulul oo afka ah is dhaafsaday

670
Trump iyo Obama oo weerar kulul oo afka ah is dhaafsaday intii uu socday ololaha doorashada Mareykanka. BBC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynihii isaga kahoreeyay, Barack Obama, ayaa weerar kulul oo afka ah is dhaafsaday midba midka kale inta uu socday isu soo baxyada iska soo horjeeda ololaha doorashada ah.

Isaga oo u ololeynaya musharraxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden ee gobolka Pennsylvania, Mr Obama wuxuu mr Trump la mid dhigay “adeer waalan” oo uu sheegay in uu dhiirrigeliyey cunsuriyiinta.

Madaxweyne Trump oo ololihiisa ka wada Waqooyiga Gobolka Carolina, wuxuu ku maadeystay Mr Obama inuu ku qaldanaa natiijada doorashadii 2016.

Iyadoo 13 maalmood ay ka harsantahay doorashadan Mareykanka, Mr Biden wuxuu hayaa hogaan doorashada oo uga horreyo Mr. Trump.

Laakiin farqiga u dhexeeya ayaa aad uga hooseeya gobollada fara ku tiriska ah ee Mareykanka ee dhinac kasta u mari kara ugu dambayntiina go’aan ka gaari kara natiijada 3-da Nofembar.

Dadka Mareykanku waqti hore ayey codeynayaan sanadkan, iyadoo 42 milyan ay horeyba u dhiibteen codbixinta boostada iyo shaqsi ahaanba.

Labada Musharrax ee Xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden iyo Jamhuuriga Donald Trump ayaa caawa yeelanaya doodii ugu dambeysay oo ka fool ka fool ah taasi oo ka dhacaysa magaalada Nashville ee Gobolka Tennessee.

Doodda dhacaysa cawa ee Nashville ayaa markii hore loo qorsheeyay inay noqoto tii saddexaad ee dhex marta Trump iyo Biden. Guddigu wuxuu meesha ka saaray dooddii labaad kadib markii Madaxweyne Trump laga helay xanuunka COVID-19 oo uu diiday inuu ka qeybqaato doodda oo loo doonayay in ay ku dhacdo alaada Zoom-ka ama foggaan araga ee Internet-ka.