Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriya Waqooyi Kim Jong-un ayaa ku kulmay aagga hubka ka caaggan, ee sida wayn loo ilaaliyo ee u dhexaysa labada Kuuriya.
Mr Trump ayaa noqday Madaxweynihii ugu horyeeyay oo Mareykanka oo xil haya oo cagta dhiga Kuuriyadda Waqooyi kaddib markii uu la kula kulmay Kim Jong-un aagga hubka ka caagan ( DMZ).
Madaxweyne Trump ayaa kul kulmay mr Kim Jong- Un xariiqda kala qeybisa gacanka Kuuriyada iyagoo is gacan qaaday kaddib waxa ay wada istaageen daqiiqado dhanka xuduuda Kuuriyada Waqooyi.
Trump ayaa kulan oo daqiiqado qaatay kaddib Saxaafadda u sheegay in ay ku heshiiyeen in la sameeyo koox farsamo oo ka shaqayn doonto Wadahadallada xiga ee mustaqbalka. Trump ayaa ku tilmaamay kulanka uu la yeeshay mr Kim mid taarikhi ah.
Dadka dhaliila Trump ayaa ku tilmaamay kulanka uu la yeeshay mr Kim inuu u adeegsaday masrax-siyaasadeed, balse dad kale ayaa qaba in kulankaan uu wada u xaarayso wadahadalo mustaqbalka ah.
Kulanka aan caadiga ahayn ayaa la filayaa in dib loogu soo nooleeyo Wadahadalladii socday ee Nukliyeerka. Hoggaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi Kim Jong-un ayaa aqbalay casuumada Madaxweyne Trump, taasi oo uu soo dhigay maalin ka hor bartiisa Twitter-ka.
Kulankaan ayaa ah kii saddexaad ee ay yeesheen Mr Trump and Mr Kim muddo sanad ka yar, waana kulankii kowaad ay isku arkaan tan iyo markii uu burburay shirkii Vietnam bishii February.