Trump iyo Kim Jong Un oo 12-ka June ku kulmaya Singapore

882

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu 12ka bisha June kula kulmi doono dalka Singapore.

” Kulanka aadka loo sugayay u dhaxeeya anniga iyo  Kim Jong Un waxa uu ka dhici doonaa 12ka June dalka Singapore. Waxaan labadeenuba isku dayi doono inuu noqdo mid micno qaas ah u leh nabadda dunida!” Ayuu ku yiri Madaxweyne Trump  qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Kulanka taariikhiga ah ee u dhaxeeya Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aad loo hadlayay muddooyinkii u dambeeyay tan iyo markii Mareykanka ku dhawaaqay in labada Hogggaamiye aya kulmayaan.

Kuuriyada Waqooyi ayaa shalay siidaysay saddex muwaadin oo Mareykanka ah oo asal ahaan ka soo jeeda Kuuriyada Waqooyi kuwaasi oo muddo ku xirnaa dalkaasi.

Bishii Abrill ayaa waxaa kulan taariikhi ah sidoo kale ku yeeshay agaaga Milateriga ka caagan ee xadka labada Kuuriyada Hoggaamiyeyaasha Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ,iyagoo ku heshiiyay in gacanka Kuuriyada uu noqdo meel ka caagan hubka Nukliyeerka.

Tallaabooyinkaan ayaa loo arkayay kuwa wadada u xaarayay wadahadalo ay wada yeeshaan Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka.