Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa la kulmay hogaamiyaasha Qaaradda Afrika, kaasi oo looga hadlayay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin arrimaha ammaanka dhaqaallaha iyo Caafimaadka.
Kulanka waxaa ka qayb galay hogaamiyaal ay ka mid yihiin hogaamiyaasha dalalka Côte d’Ivoire, Ethiopia, Ghana, Guinea, Namibia, Nigeria, Senegal, Uganda iyo Koonfur Africa.
“Sharaf wayn ayay ii tahay inaan kulan qado ah aan isugu imaano hogaamiyaasha Côte d’Ivoire, Ethiopia, Ghana, Guinea, Namibia, Nigeria, Senegal, Uganda, iyo South Africa, waxaan si gaar ah ugu mahad cilinayaa madaxwayne Alfa Conde oo matalaya guud ahaan Qaaradda Africa” ayuu yiri madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump bilowgii kulanka.
Madaxwayne Trump, waxaa uu sheegay in dhaqaalaha Qaaradda Africa uu soo kordhayo islamarkaana Maraykanka uu maalgashi badan uu Ku samaysan doono Afrika.
Goobaha uu farta ku fiiqay dhanka maalgashiga waxaa ka mid ah dhinacyada Beeraha, Tamarta, Kaabayaasha dhaqaalaha Dalxiiska Caafimaadka iyo kuwo kale.
“Barwaaqo ma haysan doono haddii adinka aanu helin Caafimaad, waxaan sii wadi doonaa inaan baah-wadaag idin kula ahaano dhinaca xal abuurka Caafimaadka. Uganda waxaa ay tallaabo hormar ah ka samaysay la dagaalanka HIV-ga. Guinea Nigeria, waxaad la dagaallanteen Bahalnimada Ebola, wasaaradayda Caafimaadka iyo howlaha Aadanaha waxaa ay u duuli doonaan Africa, si loo hormariyo Ajandaheena ku aadan Caafimaadka Adduunka” madaxwayne Trump ayaa sidaa yiri intii uu socday shirka hogaamiyaasha qaaradda Africa iyo isaga u dhaxeeyay.
Kulanka inta uu socday ayaa waxyaabaha mas’uuliyiinka isla soo qaadeen waxaa ka mid ah arrimaha Bani’aadanimada iyo isku dhacyada ka aloosan qaar ka mid ah dalalka Africa, gaar ahaan Soomaaliya, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Congo, Libya, Mali iyo Jamhuuriyadda Koonfurta wadanka Sudan, sida lagu sheegay war Aqalka Cad ee Maraykanka ka soo baxay ka dib shirkaasi oo ay heshay warbaahinta Ummaddamedia.
“Kooxaha argagaxisada sida, ISIS, al-Shabaab, Boko Haram, iyo al Qaeda ayaa carqaladaynaya Ammaanka Qaaradda Afrika, dowladda Maraykanka waxaa ay ku faraxsan tahay inay idin kala shaqayso sidii kooxahaasi loo ciribtiri lahaa, loo jari lahaa ilahooda dhaqaalaha iyo sidii looga hor-istaagi lahaa faafidda Mabaadi’dooda” ayuu intaasi raaciyay Mr. Trump.
Madaxwaynaha waxaa uu sidoo kale balan qaaday in Maraykanka uu kaalmo bani’aadanimo la garab istaagi doono Malaayiinka qof ee ku barakacay rabshadaha ka taagan dalalka Africa gaar ahaan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Koonfurta Sudan iyo kuwo kale.