Trump iyo Erdogan oo ku kulmay Paris

733
Trump iyo Erdogan ayaa ku kulmay magaalada Paris kulan casho ah oo lagu xusayay sanad guuradii 100 aad ee ka soo wareegtay dagaalkii kowaad ee dunida.Sawirka: [Anadolu]

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan  ayaa ku kulmay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, iyadoo cadaadiska caalamiga ah uu ku sii kordhayo Washington si cadaadis loogu saaro Sacuudi Carabiya dilkii Jamal Khashoggi.

Erdogan ayaa sabtidii tagay magaalada Paris kaddib casuumaad uu u fidiyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron si uu uga qeybgalo xuska dhammaadka sanad guuradii ka soo wareegtay dagaalkii kowaad ee aduunka.

Kulanka cashada ah, ee Trump iyo Erdogan ku kulmeen iyo hoggaamiyaal kale oo caalamka ka socday, waxa martigeliyay madaxweynaha Faransiiska Macron.

Madaxweyne Erdogan ayaa shalay sheegay in Turkiga ay la wadaagtay Sacuudiga iyo Mareykanka caddeymaha dilkii Suxufiga Jamal Khashoggi ee lagu dhexdilay gudaha qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.