Madaxweyne Donald Trump iyo ninka loolanka kala dhaxeeyo ee xisbiga Dimuqraadiga calanka u side Joe Biden ayaa si weyn iskugu dhacay rabshadaha ka dhacay magaalada Portland ee Gobolka Oregon dalka Mareykanka.
Madaxweyne Trump ayaa duqa magaalada Portland,Ted Wheeler, ku eedeeyay in uu oggolaaday dhimashada iyo burburka magaaladiisa .
Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenkii hore haddana ah musharaxa Madaxweynenimo ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Trump inuu si ka fiirsi la’aan ah u dhiirigalinayo rabshadaha.
Nin ayaa lagu dilay sabtigii magaalada Portaland iyada oo dhanka kale ee magaaladana ay isku dhaceen taageerayaasha Trump iyo mudaharaadayaasha Black lives Matter (Noloshu madowga waa u muhiim sida tan Caddaanka).
Magaalada Portland ee Gobolka Oregon ayaa noqotay barta ugu daran ee looga soo horjeedo cunsiriyadda iyo arxan la’aanta Booliiska kadib dilkii 25 bishii May ee magaalada Minneapolis loogu geystay George Floyd oo ahaa nin madow.
Duqa magaalada ayaa uga digay dadka magaaladiisa u imaanaya aargoosiga isaga oo sidoo kalena Trump ku eedeeyay in uu abuuray kala qaybsanaan iyo nacayba sababay rabshadaha nuucaan ah.
Madaxweyne Trump ayaa si weyn u dhaliilay duqa Portland isgaa oo tilmaamay in magaaladaas aysan kabsan doonin inta nin doqon ah uu ka yahay duqa magaalada.
Dalka Mareykanka ayaa waxaa kusoo badanaya dibadbaxyada isku roga rabshadaha kuwaa oo inta badan ah ka falcalinta arxandarrada Booliiska ee ka dhanka ah dadka Madowga ah.