
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerar ba’an ku qaadday Ilhan Cumar isaga oo khudbad ka jeedinayay isu soo bax ka dhacay Gobolka Michigan oo qayb ka ahaa ololihiisa doorashada.
Trump ayaa sheegay in Ilhaan Cumar oo ah wakiilka tirsan golaha wakiilada Mareykanka(Congresska) ay jeceshahay dalka Yaman, laakiin aysan jecleyn dalka Mareykanka. Hadalkaan ayaa yimid mar uu Trump is weydiiyay in Bernie Sanders uu mar kale tartamayo.
Mar uu ka hadlayay ninka ay tartamayaan ee Joe Biden ayuu sheegay in Biden doonayo in uu 700% kordhiyo qaxootiga ka imaanaya dalalka ugu khatarsan oo ay ka mid yihiin Suuriya iyo Soomaaliya waana sababta aan uga guuleysanayo.
Trump ayaa aad u jiid jiiday magaca Ilhaan Cumar iyada oo dadweynuhu aad u foorinayeen. Waxa uu si kajan ama jeesjeees ah u yiri ” Waxay saa’id u jeceshahay dalkeenna iyo Yaman, sow sax maaha”.
“Waxay iga caawin doontaa inaan guuleysto maxaa yeelay mar kasta oo ay iga hortimaado waxaa ii kordhaya 25% codadka aan helayo”. Trump ayaa sidaas yiri xilli uu hadal ka jeedinayay isu soo bax lagu taageerayay oo ka dhacay Gobolka Michigan.
Trump oo hadalkiisa sii wata Ilhaanna weeraraya ayaa yiri ” Waxay noo sheegeysa sida dalkeenna loo xukumayo, iyada oon dalkeenna jecleyn. Siyaasadda Biden waxay Michigan u rogi doontaa xero qaxooti ayuu Trump ku afmeeray weerarkii uu Ilhaan ku qaaday.
























