Trump haddii Biden guuleysto: ‘Malaha waa inaan ka tago dalka’

62

Madaxweyne Trump ayaa ku kaftamay in “ay tahay in uu dalka ka tago” haddii uu doorashada madaxtinimada ee soo socota isaga uu uga guuleysto murashaxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden.

“Waxaan soo bandhigi doonaa rajo, fursad iyo rajo, waana taas waxa aan sameyneyno, waana tan aan u leenahay ruuxa noocan oo kale ah, waana necbahay inaan dhaho maxaa yeelay ma doonayo inaan caayo Gobolka Georgia, laakiin sidan ayaa loo wada dhan yahay dalkeenna, “ayuu Trump u sheegay dadweyne aad u faraxsan oo ka qayb qaadanayay munaasabad olole oo ka dhacday magaalada Macon, ee Gobolka Georgia., Jimcihii, isagoo markii dambe ku jees jeesay kala fogaanshaha bulshada iyo wejiga daboolan ama af-xirka munaasabadihii ololaha ee Biden.

Trump ayaa intaas ku daray: “Ma ahan inaan kaftamo maxaa yeelay waad ogtihihiin waxaas. Inaan la tartamo musharraxa ugu xun taariikhda siyaasadda madaxweynaha oo cadaadis ugu haya. Ma qiyaasi kartaa haddii aan guuldareysto? Noloshayda oo dhan, maxaan sameynayaa? Aniga ‘ Waxaan dhihi doonaa ‘waxaa iga adkaaday musharaxii ugu xumaa ee taariikhda siyaasada.’ Ma dareemayo wanaag aad u wanaagsan. ”

“Malaha waa inaan ka tago dalka? Ma garanayo.” Trump ayaa intaas ku daray.

Trump ayaa dad badan oo taageerayaashiisa ah ugu sheegay isu soo bax olole oo ka dhacay Gobolka North Carolina bishii la soo dhaafay in “hadii uu ku guuldareysto doorashada, uusan garanayn wax uu sameeyo. “Mar dambe dib dambena uusan dib u hadli doonin”.

Ololaha Biden ayaa ku soo bandhigay faallooyinka iyo haddalada Trump ee ka dhanka musharraxa xisbiga Dimuqraadiga muuqaalkiisa gaarka ah ee baraha bulshada.

Doorashada Madaxtinimada Mareykanka ayaa waxaa ka harsan dhawr maalmood iyadoo ay dhacayso 3 bisha November,2020.

SHARE