Trump: Diyaar ayaan u ahay inaa la kulmo madaxweynaha Iran

594

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump  ayaa sheegay in uu la kulmayo sharuud la’aan madaxweynaha Iiraan Hassan Rouhani.

Madaxweyne Trump oo horrey uma baxay heshiiskii caalamiga ahaa ee barnaamijka Nukliyeerka ayaa si isba joog ah u weeraray dowladda Iran, taasi oo dhalisay xiisad diblomaasiyadeed oo u dhexeysa Mareykanka iyo Iran.

Madaxweyne Trump ayaa hadalkaan ka sheegay isniintii shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte kaddib kulan ay ku yeesheen Aqalka Cad.

La taliye sare oo u hadlay madaxweynaha Iran ayaa sheegay wadahadal kasta oo la galayo Mareykanka laga bilaabo joojinta cadaawada iyo ku soo noqashada heshiiskii Nukliyeerka.